MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Mudanayaal ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya ayaa la ssheegay inay Gudoomiyaha u gudbiyeen mooshin ka ah Wasiirka arimaha dibada Somalia Axmed Macalin Fiqi kaasoo hada ku maqan shirka Qaramada Midoobe ee ka socda Mareykanka.

Xildhibaanada waxay ku eedeeyeen Wasiir Fiqi in shaabadii Wasaarada arimaha dibada uu u gacan geliyay shirkado gaar loo leeyahay islamarkaana dhaqaalaha lagu helo aaney ku dhicin qasnada Dowlada Somalia.

Advertisement

Sidoo kale Xildhibaanada waxay ku eedeeyeen Wasiirka arimaha dibada Soomaaliya Axmed Macalin Fiqi inuu shaqadii Wasaarada kaligiis isku koobay.

Warqada ka soo baxday Xildhibaanadaan waxaa lagu muujiyay baaq ku socda Gudoomiyaha Baarlamaanka kaasoo ah in dib u eegis lagu sameeyo shaqada Wasiir Fiqi.

Xildhibaanada ku kacsan Wasiir Fiqi waxay isku dayayaan inay sameeyaan mooshin iyo abaabul ay ku doonayaan inay kaga shaqeeyaan sidii xilka looga qaadi lahaa Wasiirka walow uu saaxiib dhaw la yahay Madaxweyne Xasan islamarkaana uu ka mid yahay Xisbigiisa UPD taasoo adkeyneysa in laga hor yimaado wasiirka arimaha dibada.

hadaba halkaan ka aqriso warqada ka soo baxday xildhibaanada codsanaya mooshin ka dhan ah Wasiir Fiqi inkastoo ay ku taaqiireysan tahay dhowr iyo toban maalin ka hor.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here