MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Waxaa soo baxaya faah-faahino laga helaayo khasaaraha nafeed ee ka dhashay qaraxii maanta ka dhacay Magaalada Muqdisho kaasoo loo adeegsaday gaari walxaha qarxa lagu xirey.

Wararkii ugu dambeeyay ee laga helay goobta qaraxa ayaa sheegaya in tirada dhimashada ugu yaraan ay tahay 10 ruux halka dhaawucuna laba jibaar yahay.

Advertisement

Taliska Booliiska Somalia,xarumaha caafimaadka iyo shacab iskaashaday ayaa u gurmaday dadkii dhibaatadu ka soo gaartay qaraxa iyadoo la arkayay dad jirkoodu uu jar-jaray qaraxu iyo qaar meydadkooda hal maro la isugu geeyay si loogu asturo.

Inta ugu badan dadka qaraxa ku dhintay oo dhacab ah  ayaa u badnaa dad saarnaa gaadiid wadada marayay,kuwo ganacsi meesha ku heystay iyo kuwo masaajid ka soo baxay salaadii Duhurka.

Dowlada Somalia wali wax war ah kama soo saarin qaraxaani oo dadka ku dhintay ay ka mid tahay gabar uu dhalay Taliyaha Booliiska Maamulka Hirshabelle Gashanle Sare Xasan Dhicisow taasoo lagu magacaabo Miski Xasan dhicisow.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

No description available.No description available.No description available.No description available.No description available.No description available.

No description available.No description available.

No description available.No description available.

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here