New York, Jimco 27 Sebtember, 2024: Ra’iisul Wsaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamse Cabdi Barre ayaa kulan muhiim ah la yeeshay Madaxweynaha dalka Mareykanka Mudane Joe Biden, intii lagu guda jiray shirka guud ee Qaramada Midoobay ee magaalada New York.
Kulanka Ra’iisul Wasaaraha iyo Madaxweynaha ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga iyo xiriirka istiraatijiga ah ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Mareykanka.

Ra’iisul Wasaare Xamse ayaa uga mahadceliyey dowladda Mareykanka iyo shacabkeeda taageerada joogtada ah ee ay siiyaan dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan dhinacyada muhiimka ah ee amniga, dib-u-dhiska dowladnimada iyo dagaalka ka dhanka ah argagixisada caalamiga ah.

Ra’iisul Wasaare Xamse iyo Madaxweyne Biden ayaa mar kale xaqiijiyay madax-bannaanida, midnimada, iyo gobonimada dhuleed ee Soomaaliya, iyagoo qiray in ay muhiim u tahay xasilloonida gobolka Geeska Afrika.
May be an image of 3 people, the Oval Office and text
Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here