Guddoomiyaha Hay’adda Maaraynta Masiibooyinka (SoDMA) Maxamuud Macallin Cabdulle iyo ku xigeenka Ergayga gaarka ah ee xoghayaha Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ahna isku-duwaha gargaarka bani’aadannimo ee dalka George Conway ayaa wadajir u shir guddoomiyay kulan bille ah oo dhinacyadu ku gorfeeyaan xaaladaha bani’aadannimo ee taagan.

Shirkaan oo ay qeyb ka ahaayeen hay’adaha OCHA, UNDP iyo FAO, ayaa diiradda lagu saaray u diyaar-garowga abaaraha laga baqayo in ay ku dhuftaan qaybo ka mid ah bariga Afrika kuna jirto Soomaaliya, halka wax la iska weydiiyay sababaha keenay fatahaadaha xilligaan ka socoda deegaannada ku teedsan Wabiga Shabeelle, xilli aysan jirin roobab xooggan oo ka da’aya Soomaaliya iyo buuraha Itoobiya.

Kulanka waxaa sidoo kale looga hadlay warbixintii qiimaynta khasaaraha ka dhashay fatahaadihii dayr-ta ee sanadii tagtay iyo xoojinta arrimaha kahortagga leexsashada gargaarka.
May be an image of 7 people, people studying, newsroom and textMay be an image of 8 people, people studying, table, lighting, newsroom and textMay be an image of 2 people, dais, newsroom and textMay be an image of 6 people and suit
Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here