MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Wasiirka Ganacsiga Soomaaliya Jabriil Cabdirashiid ayaa si adag uga hadlay qaar ka mida shirkadaha Xawilaadaha oo ka hor yimid amarkii dhankooda ka soo baxay ee ahaa inaan magaca maamulka Somaliland laga dhigin dal ka madax banaan Somalia.
Wasiirka wuxuu sheegay inay inta badan shirkaduhu u hogaansameen amarkii Wasaarada balse ay jiraan kuwo ku adkeystay inay Dalka kala qeybiyaan kuwaasna ay go’aan adag ka soo saareen.

Wasiirka oo ka hadlayay talaabada ay qaaday Wasaarada ayaa ku dhawaaqday inay Xeer ilaalinta u gudbiyeen Xawaaladaha ka dhaga adeegay fulinta amarkii dhawaan kasoo baxay Wasaaradda.

Wasiirka Ganacsiga Jabriil Cabdirashiid ayaa mar Warbaahinta Qaranku weydiisay inuu sheego shirkadaha diiday amarka Dowlada ayaa diiday inuu magac sheego madaama ay hada arinta la wareegtay xeer-ilaalinta lagana war sugayo talaabada ay qaadaan.
“anaga xeer ilaalinta ayaan u gudinay iyagaana shaqadooda ka qabsanaya”ayuu yiri Wasiir Jabriil.
Dhanka kale mar uu sharaxaad guud ka bixinaayay qaabkii ay shirkadaha u gaarsiiyeen amarka wasaaradiisa wuxuu carabka ku adkeeyay in qoraalka ay si guud Email-lo ugu direen shirkadaha Xawilaadaha balse ay jiraan shirkado awalba aan wax qalada ku kicin islamarkaana ay jawaabo soo celiyeen iyagoo is bari yeelaya.

“shirkadaha waxay u kala baxaan kuwo awalba aan wax qalada sameyn, kuwo qaatay amarkii Wasaarada Ganacsiga iyo kuwo ku adkeystay inay sii wadaan qaladka ay qaranka ka galeen tusaale marka ay xusayaan dalalka ay ka howlgalaan ayay soo daabacayaan magacyo wadamo iyo calankooda, marka waxaa la arkay kuwo maamulka Somaliland iyo calankooda ku soo daray taasoo ka dhigeysa kala qeybin Qaranka Somaliyeed iyo inay ka dhigayaan dal  aduunka aqoonsi ka heysta oo Somalia ka madax banan,sidaas daraadeed kuwa ku adkeystay inay qaladkaas sii wadaan waxaan u gudbinay xeer ilaalinta”ayuu yiri Wasiirka Ganacsiga.

Advertisement
XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM
Jabriil Cabdirashiid: Waa kuma wasiirka sheegay in reerkiisa oo keliya uu shaqaaleysiinayo? - BBC News Somali
Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here