Ciidamada Israa’iil ayaa sheegay in ay duqaymo ka bilaabeen Beirut iyadoo ilo-wareedyadu ay sheegeen in bartilmaameedku ahaa taliye ka tirsan Xisbullah.

Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil ayaa bayaan uu soo dhigay bogga X ee Netanyahu wuxuu ku sheegay in warka ku saabsan xabbad-joojinta uusan run ahayn, wuxuuna wacad ku maray inuu sii wadi doono weerarrada Lubnaan.

Advertisement

Arbacadii, 72 qof ayaa lagu dilay weerar ka dhacay Lubnaan iyadoo tirada dhimashada duqeymaha Israel ay kor u dhaaftay 620.
Israa’iil ayaa weli sii wada weerarada ay ka geysanayso Gaza, iyadoo ay maanta ku dishay ugu yaraan 15 falastiiniyiin ah.

Ugu yaraan 41,534 qof ayaa lagu dilay 96,092 kalena waa lagu dhaawacay dagaalka Israa’iil ee Gaza. Israa’iil, tirada lagu dilay weerarradii ay Xamaas hoggaaminayeen ee dhacay 7-dii Oktoobar ayaa ah ugu yaraan 1,139, halka in ka badan 200 oo qofna maxaabiis ahaan loo qabtay.

XAFIISKA WARARKA 
DAYNIILE.COM

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here