Muqdisho, 26 September 2024: Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa kulan isla xisaabtan iyo Wacyigelin la qaatay Agaasimeyaasha iyo Howlwadeenada Waaxyaha Dakhliyadda kala duwan ee Dowladda Hoose ee Xamar.

Agaasimaha Diinta iyo Awqaafta Maamulka Gobolka Banaadir Sheekh Cabdullaahi Garuun iyo Sheekh Cali-nuur Xoogsade oo kulanka ka hadlay ayaa diirada saaray Qiimaha Diinteena Islaamka ay siisay Maalka, Dhowrista Hantida, Amaanada iyo xaaraantimeynta rashwada.

Guddoomiye Madaale ayaa sheegay in la dagaalanka Musuqa iyo Dokumentiyada been abuurka uu sababay in kor loo qaado miisaaniyadda Dowladda Hoose, isla markaana lagu guuleystay in la dhowro xuquuqda shaqaalaha, waxa uuna ugu mahadceliyay howlwadeenada waaxyaha dhakhliyada sida ay ugu qeyb qaateen kobaca dhaqaalada Dowladda Hoose ee Xamar.

Ugu danbeyn Duqa Muqdisho ayaa kula dardaarmay howlwadeenada Waaxyaha Dakhliyadda kala duwan in ay ku dadaalaan Amaanada iyo ilaalinta hantida ummadda, asigoona ka digay in lagu xadgudubo dhakhaalaha laga soo qaado shacabka.

—𝐃𝐇𝐀𝐌𝐌𝐀𝐀𝐃—
May be an image of 3 people, dais, newsroom and textMay be an image of 1 person, newsroom and daisMay be an image of 1 person and daisMay be an image of 4 people and people studyingMay be an image of 4 people, people studying, dais and newsroomMay be an image of 5 people, dais and newsroomMay be an image of 2 people and glassesMay be an image of 1 person and daisMay be an image of 1 person, smiling and newsroomMay be an image of 6 people, beard and people smilingMay be an image of 8 people, people smiling and daisMay be an image of 8 people and daisMay be an image of 10 people and beardMay be an image of 3 people, beard and people smilingMay be an image of 5 people and daisMay be an image of 8 people and daisMay be an image of 6 people, beard, people studying, people smiling, newsroom and daisMay be an image of 3 people, beard and people studyingMay be an image of 4 people and people smilingMay be an image of 6 peopleMay be an image of 9 people and people studyingMay be an image of 3 people, beard, people smiling, dais and text
Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here