New York, Arbaco 25 Sebtembar 2024: — Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa waxaa shalay galab uu magaalada New York kulan kula yeeshay, Molly Phee, Kaaliyaha Xoghayaha Arrimaha Dibedda Mareykanka ee Afrika.

Kulanka ayaa Ra’iisul Wasaaraha iyo Kaaliyaha ay uga wada hadleen xoojinta xiriirka labada waddan, sidii la isaga kaashan lahaa la dagaallanka argagixisada, amniga gobolka Geeska Afrika iyo qaabka ay labada waddan ee Soomaaliya iyo Mareykanka ay iskula shaqeyn lahaayeen Golaha Amniga ee Qaramada Midoobay oo Soomaaliya ay xubinnimadeeda qaadan doonto sanadka cusub.May be an image of 4 people and people studyingMay be an image of 3 people
Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here