Khamiis, 4-tii April 2002, waa muddo hadda laga joogo 22 sano, ayaan goor galab ah waxaan xafiiskiisa wareysi kula yeeshay Ra’iisal Wasaaarihii xilligaas ee Ethiopia, Meles Zenawi.
Waxaan weydiiyay sababta ay Ethiopia u aqoonsan weyday Somaliland.

Su’aasha waxaa keenay ka dib markii uu isagu ii sheegay in ay xagga ammanka iyo sirdoonka ay Ethiopia iska kaashadaan Somaliland.

Fadlan jawaabta akhriso, faham, kana feker. Haddii aad markaa aragti ka dhiibatidna waan kaaga sii mahadcelinayaa.

Meles oo markaa ahaa Ra’iisal Wasaaraha Ethiopia wuxuu ku jawaabay sidan:

Meles: Waa su’aal ay dad badan oo ka yimid dhulkaas ka tirsan Soomaaliya in badan i weeyddiiyeen.

Annagu reer Ethiopia haddaan nahay arintaas waxaan u aragnaa in ay tahay mid uu ka dambeeyo dadaal firfircoon oo lagu doonayo gooni isu taag iyo Madax banaani.
Annaga Dastuurkayagu waa uu oggol yahay arinkaas [go’itaan].

Dadka Reer Soomaliland waxaa ay sheegaan in annagu aan u oggolnahay dadka ku nool kililka shanaad ee Ethiopia in ay goostaan haddii ay doonaan. Balse iyagu aysan fursad taas la mid ah haysan maaddaama ay waddan kale ka tirsan yihiin.

Annaguna waxaan ugu jawaabnaa, shuruucdayada annaga ayaa sameeysanay, cid xadkayaga ka baxsanna kuma qasabno.
Su’aasha la is-weeydiin karo ayaa ah, sidee bay Gobolada kale ee waddanka Soomaaliya u arkaan Somaliland?

Waxaan u arkaa in qof walba ay la xuntahay in loo arko in uu sabab u noqdo kala go’a Soomaaliya. Waa haddii ay u aqoonsadaan Gobol ka mid ah waddanka, in uu yahay dhul ka madax bannaan waddanka intiisa kale.

Arrintani aad ayay u khusaysaa Ethiopia laftirkeeda, maaddaama ay madaxdii talisyadii hore ay Soomaaliya ka lahaayeen hadafyo iyaga u gaar ah ah oo aan wax faa’iido ah u lahayn shacabka Soomaaliyeed.
Arrintani waa mid u taalla dadka Soomalida ah.

Haddii ay aqoonsadaan Soomaliland annagu waxba kama qabno oo annaguna waan aqoonsanaynaa, balse waa in ay Soomaalidu iyagu hoggaanka noo qabtaan.

DHAMMAAD
F. G. Wareysigu wuxuu ahaa 2002, laakiin sawirku waa wareysi kale oo ahaa 2008.
May be an image of 2 people and the Oval Office
Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here