Ciidanka Daraawiishta Jubbaland gaar ahaana guutada labaad ee ka howlgasha deegaanka Janaa Cabdalle ayaa saaka mar kale dhagta dhiigga u daray koox Khawaarij ah oo damacsaneed in ay weerar fuleynimo ah kusoo qaadaan saldhig ay deegaankaasi ku leeyihiin ciidamada Daraawiishta.

Sirdoonka Jubbaland oo shaqadooda dar-dar galiyay ayaa sahashay in saraakiisha ciidamada Daraawiishta ee ku sugan deegaanka Janaa Cabdalle iyo deegaanada hoos yimaada ay heleen xogta dhagar qabayaasha doonayay weerar bilaa qorshe ah oo ugu dambayn lagu khaarajiyay inta badan maleeshiyaadkii kuso qaldamay deegaankaasi.

Saraakiisha hogaaminaysa ciidamada Daraawiishta oo aan goor dhow la xiriirnay ayaa warbaahinta Jubaland Media u xaqiijiyay in Argagixisada ay isku heleen meel xoogaa u jirta deegaanka Janaa Cabdalle halkaas oo dagaal muddo kooban socday ugu dambayn lagu jabiyay islamarkaana lagu laayay koox Khawaarij ah.

Sargaalka aanu la xiriirnay ayaa xaqiijiyay in dhawaan ay warbaahinta la wadaagi doonaan macluumaadka rasmiga ah iyo jabka gaaray Khawaarijta oo waayadan dhibaato badan kala kulmaya ciidamada geesiyaasha ah ee Jubbaland ee howlgalka ka wada guud ahaan deegaanada Jubbaland.

May be an image of 6 peopleMay be an image of 2 people, big cat, jeep and text
Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here