GAROWE (DAYNIILE.COM)-Madaxweynaha Maamulka Puntland Saciid C/laahi Deni ayaa caawa shaaciyay inay diyaar u yihiin wada-hadal ay la galaan Dowlada Faderaalka Soomaaliya oo la ogyahay inuu khilaaf kala dhaxeeyo islamarkaana uusan wax wada shaqeyn ah la laheyn.

Saciid Dani wuxuu Caawa hadalkaani ka sheegay Munaasabad casho sharaf uu u sameeyay ka qeyb galayaasha Shir Sanadeedka Nabadda ee PDRC.

Advertisement

Saciid Dani wuxuu intaasi ku daray inay doonayaan in loo kala gar-qaado iyaga Dowlada oo markaasna ay diyaar u yihiin inay gar baxaan hadii iyaga dhankooda lagu cadeeyo inay qaladka leeyihiin.

ku dhawaaqay inay in Puntland ay diyaar u tahay wada hadal, ayna “waxaan qabnaa dood adag, waxaa rabnaa  waxaan isku heyno lagu falaqeeyo meel fagaare ah garsoorayaalna ay ka noqdaan dadka Soomaaliyeed, haddii Puntland khaldan tahay waxaan rabnaa in nalaga qanciyo, haddii ay saxan tahayna laga garaabo mowqifkeeda”ayuu yiri Madaxweyne Saciid Dani

Mar uu ka hadlayay sida ay la tahay kulanka lagu dhex dhexaadinayo iyo halka lagu qabanayo ayuu carabka ku dhuftay inay Puntland diyaar u tahay in ay maal-galiso wadahadalladaas.
Dhanka kale wuxuu ka digay Saciid Dani in hadii khilaafyada jira aan xal loo helin  ay keeni karto in Soomaalidu kala tagaan sida hadaba Somaliland u goosatay.
XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM
Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here