MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-War ka soo baxay Dowlada Masar ayaa lagu amray muwaadiniinteeda ku sugan Gobolada Waqooyiga Soomaaliya gaar ahaan Magaalada Hargeysa inaysan u safrin halka kuwa joogana lagu amray inay ka soo baxaan.

Dowlada Masar ayaa talaabadaasi ku sheegtay sababo dhanka ambniga ah madaama maamulka halkaasi ka arimiya dhawaan albaabada isugu laabteen maktabad Masar uga furneyd Magaalada Hargeysa.

Advertisement

Warkaan oo laga soo saaray Safaarada Masar ay ku leedahay Caasimada Soomaaliya ee Muqdisho ayaa fartay muwaadiniintooda Masaarida inay wixii socdaal ah gudaha Soomaaliya kala tashtaan Dowlada Faderaalka Soomaaliya.

“muwaadiniinteena waxaan leenahay hadaad rabtaan inaad u kala gooshtaan gobolada Soomaaliya waa inaad kala tashataan Dowlada Somalia islamarkaana raacdaan nidaamka socdaal ee Dowlada Somalia idinku jiheyso”ayaa lagu yiri war ka soo baxay safarada Masar ee Soomaaliya

Safaarada Masar waxay dhanka kale muujisay inaysan jirin awoodii hore ay u lahayd qunsuliyada ay ku lahaayeen Magaalada Hargeysa  gaar ahaan howlihii qunsuliyada  ee loo fidin jirey  muwaadiniinta ku sugan Magaalada Hargeysa sababo ay ku sheegen xaalada amaaan ee xiligaan soo korortay.

Dhibaatada soo wajahday Muwaadiniinta Masaarida ayaa timid kadib heshiiskii amniga ee dhawaan ay kala saxiixdeen Somalia iyo Masar xili maamulka Somaliland uu taasi u arkay in Masar ka soo horjeedo inay iyagu ictiraaf heleen.

Dhanka kale Maamulka Somaliland wuxuu wataa oo dhul Somaliyeed ay u saxiixeen Dowlada Itoobiya si ay ictraaf uga helaan halka dhanka kalana Masar iyo Itoobiyana cadaawad ay ka dhaxeyso.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here