Wasiirka Amniga Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag), ayaa guddoomiyay shir looga hadlayay sidii ay hay’adaha amniga dalku u xakameyn lahaayeen hubka sharci darrada ah, kaas oo khatar ku ah dalka iyo dadka Soomaaliyeed.

Shirka ayaa waxaa si gaar ah diiradda loogu saaray dhaqan gelinta qaraarro ay horay usoo saareen Golaha Wasiirrada oo mamnuucaya iibinta iyo faafinta hubka sharci darrada ah.

Shirka waxaa sidoo kale looga hadlay sidii hay’adaha amniga loogu adkeyn lahaa in ay qaadaan tallaabooyin degdeg ah oo ka dhan ah kooxaha ka ganacsada hubka sharci darrada ah, kuwaas oo gacan ka geysanaya hurinta colaadaha qabiillada iyo taageeridda kooxaha argagixisada ah ee Khawaarijta .

Wasiirka ayaa ugu baaqay bulshada Soomaaliyeed in ay kaalin weyn ka qaataan soo celinta hubka sharci darrada ah ee gacanta maleeshiyaadka ku jira, si loo hubiyo amniga guud ee dalka.
May be an image of 1 person, dais and textMay be an image of 2 people, dais and textMay be an image of 6 people, dais and textMay be an image of 1 person, dais and textMay be an image of 2 people and daisMay be an image of 2 people, dais and textMay be an image of 1 person and textMay be an image of 6 people, dais and textMay be an image of 4 people, people studying, dais and text
Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here