Sida lagu shaaciyay Warbaahinta Qaranka Taliyaha ciidanka xoogga Dalka Soomaaliyeed S/gaas ibraahim Sheikh Muxudiin ayaa maanta kulan looga hadlayay ciribtirka dagaalka ka dhanka ah khawaarijta la qaatay Taliyaha howlgallada gaarka ah ee ciidamada Mareykanka Colonel David Haskell, waxaana kulanka diirada lagu saaray Qorshaha dagaal iyo sidii loo xureyn lahaa goobaha wili cadawgu kaga suganyahay Dalka.

Kulanka waxaa lagu go’aamiyay in biya kama-dhibcaan ay tahay in la qaado Howlgal ka dhan ah Argagixisada lagana saaro goobaha ay wili shacabka ku gumaadaan.

Taliyaha ciidanka XDS ibraahim Sheikh Muxudiin ayaa Dowladda Mareykanka u sheegay inay muhiim uyihiin qorshaha dagaalka ee ka dhanka ah kooxaha Argagixisada ah, waxayna balan qaadeen inay diyaar u yihiin sidii Soomaaliya looga saari lahaa kooxaha naf la-caariga ah.
May be an image of 2 people and textMay be an image of 2 people and textMay be an image of 7 peopleMay be an image of 5 people
Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here