BARAAWE (DAYIILE.COM)-Ciidamada Midowga Afrika ee magaca ATMIS kaga howlgala Soomaaliya ayaa howlgalo Milateri waxay ka sameeyeen 2 maalin ka hor qeybo ka mida Gobolka shabeelaha hoose ee Maamulka Koonfir-Galbeed.

Howlgalkaan oo ahaa mid amni sugid iyo miina saaris isugu jiray ayaa waxaa iska kaashadayciidamada ATMIS gaar ahaan kuwa Dalka Uganda iyo Saraakiil Caddaan ah ,waxayna howlgalka ka sameeyeen Waddada isku xirta Baraawe,Buufow ilaa Muqdisho.

Advertisement

Sida lagu qorey barta Facebook ee Ciidamada ATMIS qorshaha howlglkaan ayaa ahaa ay ku hubinyeen isku socodka dadka iyo gaadiidka inta u dhexeysa Baraawe ilaa Muqdisho.

Ciidamada ATMIS ayaa intii ay howlgalka ay ku jireen waxay qarxiyeen miinooyin ay meelaha qaar ku arkeen.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COMMay be an image of 8 peopleMay be an image of 2 peopleMay be an image of 4 people

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here