Israeli soldiers raid, order closure of Al Jazeera office in Ramallah [Screengrab/Al Jazeera]

GAZA (DAYNIILE.COM)-3-dii subaxnimo, askar Israa’iiliyiin ah oo aad u hubeysan ayaa weerar ku qaaday xafiiska Al Jazeera ee Ramallah, iyaga oo wariyayayaashii dibadda u saaray.

Advertisement

Madaxa xafiiska Aljazeera Walid al-Omari ayay Ciidamada Yuhuudu ku wargeliyeen in la joojiyo shaqada TV-ga iyo in la xiro guud ahaan xarunta TV-ga kadib markii Askarta Israa’iil oo aad u hubaysan ay gudaha u galeen xarunta Aljazeera ee Ramallah-daanta galbeed.

Askartu waxay amar ku bixiyeen in qof kasta oo ka shaqeeya shaqada habeennimo ee xafiiska uu ka baxo, iyaga oo u sheegay inay qaadan karaan oo keliya alaabtooda gaarka ah.

Maxay Israa’iil u weerartay xafiiska?
Israa’iil ayaa inta badan beegsata Aljazeera iyo saxafiyiinteeda, mararka qaarna waxa ay beegsadaan ilaa ay dilaan – sida Shireen Abu Akleh, Samer Abudaqa, Ismail al-Ghoul iyo Rami al-Rifi.

“Tani waxay si aad ah u waafaqsan tahay siyaasadda dawladda Israa’iil tan iyo 1948-kii, si looga hortago wararka dhabta ah ee ku saabsan falastiiniyiinta ama waxa ay dawladda Israa’iil ku samaynayso falastiiniyiinta, iyaga oo gumaysto oo xidho oo jirdilo” ayuu yidhi Rami Khouri.

SOURCE ALJAZEERA

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here