Wararka laga helaayo dhulka Soomaalida Waqooyi ee la baxay Somaliland ayaa sheegaya in halkaasi looga dhawaaqay jabhad hubeysan oo ka soo horjeeda xariga loo geystay Xildhibaan Maxamed Abiib Yuusuf.

Jabhadaan ayaa si gaar ah looga dhawaaqay gobolka Awdal oo uu asal ahaan ka soo jeedo Xildhibaan Maxamed Abiib,Jabhada waxaa loogu magac daray  Gurmad.

Advertisement

Jabhada ayaa hubkooda iyo dhalinyaradaba mar ay maanta soo bandhigeen waxay hanjabaad hawada u mariyeen maamulka Somalialand.

Mid u hadlay Jabhada ayaa Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi wuxuu u qabtay 72 inuu ku si daayo Xidhibaan Maxamed Abiib oo ay xuseen inuu yahay xildhibaankii ay u doorteen inuu matalo.

“hadii waqtiga aan qabanay lagu sii dayn waayo masuuliyada wixii dhaca waxaa qaadi doona madaxda Somaliland.”ayuu lagu yiri warka jabhada

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here