Garsooraha kubada cagta ee heeriisu sareeyo Cumar C/qaadir Cartan ayaa la sheegay inuu ka mid yahay Garsoorayaasha dhex dhexaadin doona kulan-ka  Super Cup-ka ee ka dhici doona Dalka Sacuudiga.

Xiriirka kubadda Cagta Afrika ee CAF ayaa shaaciyay in garsooraha Soomaaliyeed Cumar C/qadir  Cartan uu noqon doona r 27-bishaan   garsooraha afaraad ee kulanka Super Cup-ka kaasoo u dhexeeya kooxaha Al Ahly iyo Zamalek  ee Dalka Sacuudiga.

Advertisement

Garoonka lagu ciyaari doono ayaa ah Kingdom Arena ee Dalka Boqortooyada Sacuudiga, waxaana ay ciyaartu bilaan doontaa 9-kla Fiidnimo insha Allaah.

Garsoorahaan Soomaaliyeed ayaa noqday Garsoore heer Caalami markii uu si fiican u bartay shuruucda garsoorayaasha ay wax ku dhex dhexaadinayaan waliba nidaamyada u dambeeya ee casriga ah, wuxuu Cumar Cartan qabtay ciyaar ilaa heer Caalami sida is reer reebka wadamada Afrika ee Koobka Adduunka.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

May be an image of 1 person, playing football, playing American football and text

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here