WARDHEER (DAYNIILE.COM)-Wararka laga helaayo Magaalada Wardheer oo ka tirsan dhulka Kilinka 5-aad ee Itoobiya maamusho ayaa sheegaya inuu halkaasi ka dhacay xasuuq loo geystay dad masaajid ku dhex tukaanaayay.

Wararka aan helnay ayaa sheegaya in 6 ruux oo isku jufo ah baankood masaajid-ka dhexdiisa lagu dhex toogtay markii maleeshio hab beeleed u abaabulani ay soo weerareen masaajidka.

Advertisement

Dhalinyarada la laayay waxaa la soo sheegayaa inay ka mid ahaayeen xerta masaajidka wax ka barata .

Bilihii ugu danbeeyay ee sanadkaani waxaa laga soo sheegayay Magaalada Wardheer colaad u dhexeysa laba beelood oo walaalo ah kuwaaso ka wada tirsan beesha Ogaadeen.

Wararku waxay intaasi ku darayaan in Beelahaani dagaashan waliba ay yihiin kuwo jufa hoose isla ah, colaada ayaa keentay horaantii sanadkaan ilaa hada inay soo jiitamayaan dilal labadaasi reer u dhexeeya oo marba jufadii wax laga dilaba ay aargudaneyso taasoo colaadii sii daba dheereysay.

Masuuliyiinta Dowlad deegaanka Itoobiya iyo odey dhaqameedka Beelahaanba way ka gaabiyeen inay si rasmi ah xiisadaan u soo af-jaraan inkastoo wali waan-waantu socoto islamarkaana ay macquul tahay in labada Beelood heshiis rasmi ah la dhex dhigo.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COMMay be an image of 4 people and carMay be an image of 8 people and car

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here