Lebanon Israel Pagers Exploding

Warar ay Saxaafada Dunidu wada faafiyeen ayaa sheegaya in Qaraxyo la soo qorsheeyay ay mar kaliya ka dhaceen dalka Lubnaan gaar ahaa baraha Isgaarsiinta kuwaasoo ay Yuhuudu ka danbeeyaan.

Advertisement

Guud ahaan qalabka Isgaarsiinta ee ay isticmaalaan Ururka Xisbullaah ayaa mar kaliya wada qarxay sida wararka qaar sheegayaan xili goobahaasna ay dad shacaba ka ag dhawaayeen.

Weerarkaani  bahalnimada ah waxaa ku dhintay 9 ruux waxaana ku dhaawacmay 3 kun ruux taasoo ah xasuuq loo geystay shacabka Dalka Lubnaan.

Ururka hubeysan ee Xisbullah inta badana la dagaala Yuhuuda ayaa ka hadlay qaraxyadaani lagu xasuuqay shacabka wuxuuna shaaciyay in Israa’iil si buuxda uga dambeyso weerarkaani.

Xisbullaah waxay ku hanjabeen inay weerarkaani dhibaatada badan gaystay ay ka aargudi doonaan Israa’iiliyiinta oo ay weeraro qaadi doonaan.

Safiirka Dalka Iiraan u fadhiya Dalka Lubnaan ayaa ka mid ah dadka ku dhaawacmay weeraradaani qaraxyada qorsheysan loo adgeegsaday, israa’iil wax war ah kama soo saarin dhacdadaani iyaga lagu eedeeynayo.

Wasiirka caafimaadka guud ee Lubnaan Firass Abiad ayaa saxaafada u sheegay in dadka dhaawacmay 2 boqol ka mid ay qabaan dhaawacyo halis ah.

XAFIISK WAARARKA
DAYNIILE.COM

Lebanon Israel Pagers ExplodingLebanon Israel Pagers ExplodingLebanon Israel Pagers ExplodingLebanon Israel Pagers ExplodingLebanon Israel Pagers ExplodingLebanon Israel Pagers ExplodingLebanon Israel Pagers Exploding

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here