=XIGASHO BBC SOMALI=

Turkiga

Advertisement

Sanadkan oo dhan, Somaaliya iyo Itoobiya waxaa u dhaxeeyay xifaaltan, kaas oo salka ku haya heshiis ay jamhuuriyadda iskeed ugu dhawaaqday madax banaanida ee Somaaliland la siixatay Itoobiya.

Turkiga ayaana dhaxdhaxaadin ahaan u soo galay.

Balse maxaa Turkiga soo geliyay?

Hagaag, sababta waa in Turkiga iyo Soomaaliya ay saaxiibbo ahaayeen sanado badan.

Xaqiiqdii, Turkiga ayaaba goordhow oggolaaday in ay labo sano oo dheeraad ah ciidamadooda sii joogaan Somaaliya.

Kaas oo qeyb ka ah waajibaad soo jireen ah, iyagoo ku kala yaalla labo qaaradood oo isku jira 4,000 oo kiilo mitir.

Waa maxay sababta Turkiga iyo Soomaaliya ay saaxiibbo dhow u noqdeen?Turkiga

Waxay saaxibtinimadooda bilaabatay 2011-kii markaaso macluul ay soomaaliya ku dishay boqolaal kun oo qof, hay’adihiina ay iskaga baxeeen amni darro awgeed.

Turkiga fursaddaas ayuu arkay tallabo ayuuna qaaday iyadoo waddamada kale ay iska indho tireen.

Madaxweyne Erdogan wuxuu noqday madaxweynihii ugu horreeyay ee aan Afrikaan ahayn ee booqda dalka 20 sano kadib. Waxay taasi billow u noqotay iskaashi ka gudbay gargaarkii bini’adannimo.

Marki ay diyaradda Turkish Airlanes caga dhigatay Muqdisho 2012kii, waxay dib ugu xirtay Somaaliya dunida kale.

Turkiga ayaa muujiyay sida ay uga go’an tahay in Soomaaliya ay ka soo kabsato dhanka ganacsiga iyo dalxiiska.

Shirkadaha Turkiga ayaa bilaabay inay maamulaan furaha kaabayaasha dhaqaalaha sida garoomada diyaaradaha iyo dekedaha, taaso xoojisay xiriirka dhaqaale iyo doorka Turkiga ee dib u dhiska Soomaaliya.

Dr Elem Eyrice TepeciklioÄŸlu oo wax ka dhigta jaamacada University of Ankara oo aan ka wareysannay arrintan ayaa tiri: “kani waa hannaan nabad-dhisid oo dhammeystiran. Turkiga ayaana degdeg u noqday mid ka mid ah saaxiibbada ugu saameynta badan Soomaaliya,”.

Maanta, Turkiga, oo ah saaxiibka ugu weyn ee Nato, wuxuu si qoto dheer u maalgeliyay Soomaaliya.

Bishii Febraayo, Turkiga iyo Soomaaliya waxay saxiixdeen heshiis taariikhi ah oo lagu xoojinayo difaaca ciidamada badda kaas oo ka hortagaya budhcad badeedda iyo khataraha amniga.Turkiga

Soomaaliya waxay leedahay xeebta ugu dheer qaaradda Afrika, waana xuddunta isu socodka badaha caalamka.

Tani waxay ku saabsanayd sugidda waddooyinka muhiimka ah ee ganacsiga, iyo xaqiijinta halka uu Turkiga ka taagan yahay qarannimada Soomaaliya.

Haddaba maxa dan ah oo Turkiga ugu jira arrintan?

Hagaag… wuxuu ka helayaa sumcad calami ah iyo tan ugu muhiimsan ee ah ganacsiga. Runtiina waddamo kale ayaa isku haya si ay boos uga helaan waddanka.

“Tan waxaa xoojiyay saraakiil dhowr oo soomaali ah: “eeg, Turkigu waa saaxiibkeenna, saaxiib la isku halleyn karo ayuu inoo yahay waana xubin Nato ka tirsan.

“Faa’iido kale waa in Turkigu uu Soomaaliya joogay iyadoo inta badan dalalka, iyo NGO-yada ay ka baxeen dalka. Tani waa farriin cad oo dhaheysa in Soomaaliya ay u baahan tahay caawinaadeenna, annagoo ah xubno mas’uul ah oo beesha caalamka ka tirsan, waxaan u baahannahay inaan qeybteenna qaadanno iyo sidoo kale, mid muhiim ah… ganacsiga.

“Soomaaliya iyo Jabuuti xarumo istaraatiiji ah ayay ku leeyihiin gobolka Badda Cas. Qaabkan, [Turkigu] wuxuu hanan doonaa saaxiib ganacsi oo muhiim ah, sababtoo ah bilo yar kahor, Turkiga iyo Soomaaliya waxay saxiixeen heshiis baarid shidaal iyo gaas ah. Marka dalal badan waxay ka dambeeyaan [tan], inay heshiis kaa la mid ah la saxiixdaan Somalia,” Ayay tiri Dr Elem.

Imaaraadka Carabta [UAE] ayaa maamulaya dekedaha gobolka Geeska Afrika.

“Gobolkan wuxuu ku yaallaa deriskooda dhow, keliyana ma daneynayaan qaar ka mid ah natiijooyinka dhaqaalaha. Xasiloonida iyo ammaanta gobolka ayaa saameyn ka badan oo toos ah ku leh ammaankooda sidoo kale,” ayay intaa raacisay.

Sidoo kale Ruushka ayaa ku soo biiray waddamada danaha ka leh Soomaaliya iyagoo cafiyay deyn gaareysay $684 milyan, waddankana keenay 25,000 oo tan oo badar ah.

Mascow uguma tal gelin in saaxiib kali ah sameysato, waxay dooneysay inay saameyn ku yeelato mustaqbalka gobolka.Somalia

“Tani waa dabeecadda hannaanka caalamka. Dalalka ayaa tartama si ay u xejistaan danahooda qaranka iyo danahooda ganacsi sidoo kale. Balse uma maleynayo in Tukrigu uu halkaa u joogo inuu ka fiicnaado dalal gobolka ama ka baxsan, sababtoo ah iskaashigu keliya ma aha suurtogal balse waa qasab sababtoo ah xasiloonida gobolka waa muhiim.” Ayay tiri Dr Elem.

Iyadoo Turkiga uu sii xoojinaayo iskaashiga uu la leeyahay Soomaaliya saaxadda hadda wixii ka dambeeya waxay u baahan tahay awood isu dheelli-tiran in la helo si horay loogu socdo.

=XIGASHO BBC SOMALI=

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here