Wiil dhalanyaro ah oo ku nolaa Xerada IFO ayaa seddexdii maalmood ee lasoo dhaafey ku xirnaa Magaalada Baydhabo ee xaruunta gobolka Baay inkastoo maanta la sii daayay dadaaalo ehelkiisu sameeyeen darteed.

Wiilkan oo deganaa Xerda IFO gaar ahaan xaafada C-25 Laguna magacaabo Ali Nyaw ayaa hada xaalad kale ku wajahaya Saldhiga qeeybta CID-da ee Baydhabo.

Advertisement
Warar aan helnay ayaa sheegaya in Wiilkaani sababta uu  Baydhabo u aaday ay ahayd gabar uu jeclaa darteed , markii uu gabadhii la kulmay ay qoyskeeda gabadha weydiiyeen wiilkaan xagee ka yimid balse markii ay gabadhu sheegtay inuu IFO uga yimid ayay qoyskii laamaha amniga ku wargeliyeen.

Ciidamada sirdoonka iyo kuwa booliiska Baydhaba ayaa markaasi kadib wiilka kala baxay guriga uu jaceylkiisa kula kulmaayay madaama uu ahaa qof qariib ama ku cusba magaalada.

Ehelada gabadha oo aan la xiriirey ayaana arintaasi noo xaqiijiyay in shaki uun ay ciidamada ugu wareejiyeen si loo hubiyo taasoo qaadatay sedex maalin in ehaladiisa ay furdaamiyaan arinka islamarkaana cadeeyaan in wiilku gabadhaasi darteed u yimid balse uusan dhibaato amni ku ahayn magaalada.

Sheekada wiilkaan jaceylku hayay ayaa imaaneysa xili shacabka Baydhaba uu ku amray Maamulka Koonfur-galbeed inay soo sheegaan hadii ay arkaan qof magaalada ku cusub islamarkaana aysan aqoon si Alshabaab looga hor-tago darteed.

WARIYE XASSAN MWALIMU  (XERADA IFO)
Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here