MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Askari ka tirsan Ciidamada Dowlada Somalia ayaa goor dhaw oo maanta ah wuxuu dilay oo dunida uu dhaafiyay wiil bajaajle ahaa meel ku dhaw isgoyska Banaadir ilaa isbitaalka Banaadir ee Magaalada Muqdisho.

Allaha u naxariistee wiilka la dilay waxaa lagu magacaabi jirey  Liibaan C/laahi Maxamed wuxuna ahaa darawal ku xamaasha moota bajaajta balse askari Dowlada ka tirsan ayaa toogtay isagoo ku jira howl-maalmeedkiisa maanta.

Advertisement

Askariga waxaa la sheegay inuu wadnaha ka toogtay wiilka bajaajlaha ahaa kaasoo ugu danbeyn gacanta lagu soo dhigay,waxaana lagu wadaa in sharciga la hor geeyo.

Sidoo kale goobta dilku ka dhacay waxaa la sheegay inuu u muuqday guriga taliye ku xigeenka Booliska Somalia oo waliba kaamirooyina ku xiran yihiin taasoo aad looga rajo qabo in cadeymo laga helo.

Wiilka la dilay waxaa la sheegay inuu xaas lahaa islamarkaana ay uur lahayd taasoo iyada iyo hooyada marxuumkaba ay aad uga naxeen.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

No description available.

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here