Balcad, 15-September-2024: Wafdi uu hoggaaminayo Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) ayaa saakay gaaray magaalada Balcad ee Gobalka Shabeellada Dhexe.

Ujeedka safarka Madaxweynaha ayaa ah sidii Khawaarijta looga soo af-jari lahaa waddada isku xirta magaallooyinka Balcad iyo Jowhar.

Advertisement

Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) ayaa kulan la qaatay Taliye ku-xigeenka ciidanka lugta ee XDS, Taliyaha qeybta 12-ka April, Taliyaha Guutada 3-aad, Taliyaha Dugsiga Tababarka iyo Saraakiil kale.

Kulanka ayaa diirada lagu saaray sidii Khawaarijta looga xorreyn lahaa goobaha yar ay kaga hareen gobalka Shabeellada Dhexe iyo sidii culeyska looga dulqaadi lahaa dadka Soomaaliyeed ee ku safra jidka xiriiriya Balcad iyo Jowhar.

Ugu dambeyn Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabeelle ayaa u mahadceliyay Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Ciidamada Deegaanka iyo Shacabka oo sabab u ahaa cashirradii loo dhiggay Khawaarijta.

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here