14-September-2024
Ciidanka Booliiska Puntland gaar ahaan qaybta gobolka Nugaal ayaa deegaanka Rabaable oo ka tirsan degmada Garowe ku qabtay Gaari nooca dhaynaha Sooomaalidu u taqaan kaas lagu soo raray Geed Quwaax iyo dadkii waday,kuwaas oo deegaanka kuhaya xaalufin iyo nabaad guurin.

Taliska qaybta boliska G.Nugaal ayaa sheegay iney maxkamada horgaynayaan eedaysanayaasha iyo geed quwaax lagu qabtay,waxayna fariin adag u direen cidkasta oo ku howlan falalka noocaan oo kale ah iney gacanta kusoodhigi doonaan sharcigana horgayn-doonaan.
Taliska Booliiska Puntland hore ayuu mamnuucay in geedaha dadka waxtarka u leh la jaro.

– DHAMMAAD –
XAFIISKA WARFAAFINTA
CIIDANKA BOOLISKA PUNTLAND
No photo description available.
No photo description available.No photo description available.No photo description available.
Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here