Aysenur Ezgi Eygi, ayaa toogasho lagu dilay iyada oo ka mudaaharaadaysay deegaamaynta Israa’iil.

Haweeneydaan ayaa lagu aasay xaafada qoyskeeda oo ku yaal magaalada Didim ee galbeedka Turkiga.

Advertisement

Kumanaan kun oo qof oo baroordiiq ah oo ku nool dalka Turkiga ayaa isugu soo baxay aaska Aysenur Ezgi Eygi oo u dhaq dhaqaaqi jirtay Turkiga iyo Mareykanka, kaasi oo ay ciidamada Israel ku dileen Daanta Galbeed ee la heysto.

Dilka Eygi oo 26 jir ahaa usbuucii hore ayaa dhaliyay cambaareyn caalami ah oo ka dhan ah Israel.

Waxaa madaxa laga toogtay xilli ay ka qeyb qaadaneysay bannaanbax 6-dii Sebtembar looga soo horjeeday deegaamaynta sharci darrada ah ee Israa’iil.

Sabtidii, xubnaha qoyska, asxaabta iyo taageerayaasha ayaa isugu soo baxay magaalada Eygi ay ka soo jeedo ee Didim ee galbeedka Turkiga si ay u aasaan.

Meydka Eygi oo lagu duuduubay calanka Turkiga oo ay wateen saraakiil labisan, ayaa gaarsiiyay qabriga.

Sawirka Eygi ayaa la dhigay meel u dhow naxashka inta lagu guda jiro aaska masaajidka deegaanka.

Eygi hooyadeed Rabia Birden ayaa jimcihii ku boorisay saraakiisha Turkiga inay cadaalada raacaan.

“Waxa kaliya ee aan weydiisto  Dalkayaga ayaa ah in aan caddaalad u raadiyo gabadheyda,” ayay tiri wakaaladda wararka dowladda Turkiga ee Anadolu.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

Turkey US activist West BankAysenur Ezgi Eygi's funeral in Turkeyepa11602645 Relatives of Turkish-American activist Aysenur Ezgi Eygi, who was shot dead in the West Bank, watch Turkish police officers carry her coffin to Didim State Hospital's morgue, in Didim, near Aydin, Turkey, 13 September 2024. According to the Palestinian news agency WAFA, the 26-year-old activist Aysenur Ezgi Eygi succumbed to her wounds after being shot in the head by Israeli forces during a protest against settlement expansion in Beita, near Nablus, on 06 September. Following the procedures carried out by the Turkish Embassy in Tel Aviv and the Consulate General in Jerusalem, Eygi's body was brought from Tel Aviv to Baku and from there to Turkey. The funeral ceremony of Eygi is expected to be held in Didim, Aydin, on 14 September. EPA-EFE/ERDEM SAHIN

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here