Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya ayaa furtay shirka isku-xirka Howlaha iyo Fulinta Qorshaha shanta sano ee soo socoto kaas oo lagu qabtay magaalada Muqdisho isla markaana ay kasoo qayb galeen mas’uuliyiin sare oo ka tirsan dowlada federaalka Soomaaliya.

Wasiirka Wasaaradda Amniga Guddaha Mudane Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil Fartaag oo furay shirka ayaa sheegay in ay ku ammaanantahay HSJ sida ay u dajineyso qorshaha fog ee horumarinta adeeg bixinta, sidoo kale waxa uu sheegay in si loo ilaaliyo madaxbanaanida iyo amniga xuduudaha ay HSJ qayb wayn ka tahay fulinta howshaas islamarkaana ku dhiirigeliyay in aad looga feejignaado dadka soo galaya xuduuddaha.

Agaasimaha Guud ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Mudane Axmed Siciid Maxamed oo ka hadlay shirka ayaa sheegay in ujeedada shirkan uu yahay in lasoo bandhigo guulaha iyo waxqabadka hay’addu gaartay, sidoo kalena looga hadlo qorshaha horumarinta howlaha iyo adeegyada ay hay’addu qabato.

Munaasabada waxaa sidoo kale hadalo kooban ka jeediyay mas’uuliyiin sare oo ay kamid yihiin Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka, Gudoomiyaha Gobolka Benaadir ahna Duqa magaalada Muqdisho, Kusimaha Taliyaha ahna Taliye Kuxigeenka Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed, Xoghaya Joogtada ah ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda, Agaasimaha Guud ee Hay’adda Duulista Rayidka iyo Maareeyaha Garoonka Aadan Cabdulle.
May be an image of 3 people and daisMay be an image of 1 person, dais, newsroom and textMay be an image of 4 people, dais and textMay be an image of 4 people and daisMay be an image of 4 people and suitMay be an image of 3 people and daisMay be an image of 3 people, headscarf and daisMay be an image of 2 people, dais and textMay be an image of 6 people and daisMay be an image of 4 people and daisMay be an image of 2 people and dais
Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here