Wasiirka arimaha didaba Somalia Axmed Macalin Fiqi ayaa hanjabaad hawada u mariyay Dowlada Itoobiya hadii aysan ka laaban heshiiskii sharci darada ahaa ee ay la galeen Maamulka Somaliland islamarkaana aysan joojin dhaq dhaqaaqyada ay ka wadaan gudaha dalkeena Somalia.

Wasiir Fiqi ayaa ku hanjabay inay Dowlada Somalia la xiririi doonto islamarkaana taageeri doonto jabhadaha ku kacan Dowlada Itoobiya kuwaasoo hadaba dagaal kula jira Dowlada Abiy Axmed.

Advertisement

“inagu hada ma dooneyno inaan xasilooni daro ka buurno Itoobiya ,sidoo kale dooni meyno burbur ku yimaada Dowlada Itoobiya, wax dan ahna nooguma jirto inaga iyo guud ahaan geeska Afrika laakiin hadii ay naga deyn waayaan fara-gelinta gudaha dalkeena ay ku hayaan ka Dowlad ahaan waxaan inaguna taageeri doonaa jab-hadaha Dowlada Itoobiya Abiy Axmed dagaalka kula jira”ayuu yiri Wasiir Fiqi

Warka Wasiir Fiqi ayaa ku soo aadaya xili Dowlada Itoobiya ay Somalia u adeegsaneyso maamulka Gobolada Waqooyi Somalia ee la baxay Somaliland si ay u boobaan dhaxalka Ummada Somalia.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

Wasiir Fiqi oo si kulul uga hadlay heshiiskii Itoobiya-Somaliland farriin adagna u diray Abiy Axmed

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here