MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Xildhibaano ka tirsan 2-da aqal ee Baarlamaanka Faderaalka  Soomaaliya ayaa Caawa ku dhawaaqay gole ay ku mideysan-yihiin.

Golahaan oo Dowalada mucaarad ku noqonaya ayay ugu magac dareen  Golaha samatabixinta Qaranka Soomaaliyeed,waxaana ku jira xildhibaanada labada aqal qaarkood.

Advertisement

Xildhibaan u hadlaayay Golahaan ayaa sheegay inay Ka shaqeyn doonaan midnimada iyo difaaca dalka sida uu warka u dhigay.

Sidoo kale wuxuu sheegay inay shaqa ka qaban doonaan doorasho waqtigeeda ku dhacda iyo la xisaabtanka hay’adaha dowladda.

Xildhibaanka u hadlaya Golahaan Caawa Muqdisho looga dhawaaqay ayaa akhriyay warsaxaafadeed ay soo wada saareen waxaana ka mid ahaa:-

“Shir in mudo ah u socday Xildhibaanada labada aqal  ee Baarlamaanka Soomaaliya loogana arinsanaayay halka uu maraayo hanaanka hogaamineed ee guracan ee madaxda Dalka xiligaan, toosinta Dowlad dhiska Somalia iyo sidii wadada saxda ah loogu soo celin lahaa ayaa waxaa la isla gartay sidii loo dhisi lahaa Golle u istaaga xal u helida mugdiga siyaasadeed ee dul huwanaya Dalka iyo qaladaadka Dowladeed ee ka jira Golayaasha Dowlada” ayaa lagu yiri Warsaxaafadeedka Xildhibaanadaani Golaha ku dhawaaqay.

Go’aanka Xildhibaanadaan muxaaradka ah ayaa ku soo aadaya xili Dalku ku jiro xaalad adag loona baahnaa wada-jir in looga hor tago damaca Itoobiya oo hada Gobolka Geddo ka wada dhaq-dhaqaaqyo Milatari.

XAFIISKA WARARKA

DAYNIILE.COM

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here