Duqeymaha Ruushka  uu ka wado dalka Ukraine ayaa la soo sheegayaa inay ku dhinteen Saddex ka mid ah shaqaalaha ICRC-da.

Gantaalada ay soo rideen ciidamada Ruushka ayaa ku dhaca  uu baabuur ay leedahay hay’adda Laanqeyrta Cas.

Advertisement

Sidoo kale marka laga yimaado sedexda laanqeyrta cas ee ku dhimatay waxaa iyana ku dhaawacmay laba kale

Hay’adda ICRC ayaa xaqiijisay in saddex ka mid ah shaqaalaheeda la dilay, labana la dhaawacay Khamiistii, kaddib markii duqeyn ay ku dhacday goob la qorsheynayay in gargaar lagu qaybiyo oo ku taalla gobolka Donetsk.

“Waxaan si adag u cambaareynayaa weerarrada ka dhanka ah shaqaalaha Laanqeyrta Cas. Waa wax aan laga fiirsan karin in duqeymo ay ku dhacaan goob gargaar lagu qeybinayey,” Madaxweynaha ICRC Mirjana Spoljaric ayaa hadal ay soo saartay ku sheegtay, iyadoo intaas ku dartay: “Qalbigayagu maanta wuu jabay, anagoo u baroor-diiqeyno dhimashada saaxiibadeen iyo daryeelidda kuwa dhaawacmay.”

Saddexduba waxay ahaayeen muwaadiniin u dhashay Dalka  Ukrain  sida uu sheegay wakiilka xuquuqul insaanka ee dalkaasi, Dmytro Lubinets.

Madaxweynaha Ukraine Zelenskyy ayaa ku tilmaamay dhacdada dambi dagaal  oo Ruush ah galay.

Ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay Ruushka, oo si joogta ah u sheega in ay duqeeyaan bartilmaameedyo militari oo kaliya.

Baabuurta ICRC-da ayaa lagu dhuftay xilli ay shaqaaluhu isku diyaarinayeen inay u qaybiyaan alwaax iyo dhuxul dhuxusha qoysaska nugul ee tuulada Viroliubivka ka hor xilliga jiilaalka, ayay hay’addu ku sheegtay hadal ay soo saartay, iyadoo intaas ku dartay in maadaama qaybinta gargaarka aysan weli billaaban, aysan jirin dadka deegaanka oo ay saamaysay.

“Gaadiidkayada waxaa si cad loogu calaamadeeyay astaanta Laanqeyrta Cas,” ayaa lagu yiri bayaanka.

Hawlgalka bini’aadantinimada ee Qaramada Midoobay ee Ukraine ayaa sheegay in 50 ka mid ah shaqaalaha gargaarka lagu dilay ama lagu dhaawacay Ukraine 2023, oo ay ku jiraan 11 la dilay iyagoo gudanaya waajibaadkooda.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

Image released by the Police of the Donetsk Region that shows a burning Red Cross vehicle that was destroyed in a Russian strike in the Donetsk region on Thursday Sept. 12, 2024. [Police of the Donetsk Region via AP]

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here