Hantidhowraha Guud ee JFS,Mudane Axmed Ciise Guutaale,ayaa ka qaybgalay madashaaan oo lagu qabtay magaalada Baqdaad intii u dhaxaysay 10-12ka Sebteembar, 2024, waxa ayna ka koobneyd dood-cilmiyeedyo, khudbado muhiim ah, iyo fadhiyo la xiriira Yoolka 16-aad ee Yoolalka Horumarka Waara (SDG 16).
Abukaate Axmed Ciise Guutaale ayaa shalay, oo ku beegneyd 11ka Sebteembar, 2024, ka jeediyay madashaas khudbad uu diiradda ku saaray doorka Xafiiska Hantidhowraha Guud ee JFS ee la-dagaalanka musuqmaasuqa, kor-u-qaadista daahfurnaanta hay’adaha dowladda, iyo xoojinta isla-xisaabtanka hay’adaha dowliga ah.

Madasha Labaad ee Horumarinta Daahfurnaanta iyo Maamul Wanaagga Dalalka Carabta ayaa si rasmi ah loo soo gabagabeeyay maanta, oo ay taariikhdu ku beegan tahay 12ka Sebteembar, 2024, waxaana lagu kala qaatay go’aanno, qibrado, aqoon iyo faham la xiriira “sidii ay dalalka Carabta uga wada-shaqayn lahaayeen horumarinta maamul wanaagga iyo daahfurnaanta”.
May be an image of 10 people, dais and textMay be an image of 1 person, dais and textMay be an image of 12 people, dais and textMay be an image of 4 people, dais and textMay be an image of 3 people, dais and text
Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here