MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Howlgal ay sameeyeen Ciidanka Boliiska soomaaliyeed ayay shalay ku soo qabteen xabsigana dhigeen burcad badan kuwaasoo dhibaato ku hayay shacabka ku dhaqan Degmooyinka Gobolka Banaadir.
Ciidamada Booliiska wuxuu howlgalkaan la kaashtay Hay,adaha amaanka Caasimadda taasoo keentay guusha lagu soo xirey 10 nin oo ciidamada Dowlada u badan kuwaasoo ku eedeysan iney geesteen falal isku jira dil,dhaawac iyo dhac dadweyne.
War Qoraala oo ka soo baxay Taliska Booliiska Soomaaliya gaar ahaan Qeybta Guud ee Boliiska Gobalka Banaadir ayaa lagu shaaciyay in eedeysanayaashaan la soo qabtay uu ku socdo baaris islamarkaanalahorgeyn doono maxkamada si loo marsiiyo sharciga.
XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM
Advertisement