NAIROBI (DAYNIILE.COM)-Wararka laga helaayo Magaalada Nairobi ayaa sheegaya in guud ahaan howlihii shaqo ee garoonka diyaaradaha ee caalamiga ah ee Joma Kenyatta uu istaagsan yahay ku dhawaad 24 saac.

Guud ahaan dadkii ku qornaa inay dhoofaan ama soo degaan tan iyo xalay ayaa baaqday waxaana ku xayiran gudaha garoonka dadkii ku qornaa inay dhoofaan.

Advertisement

Wararku waxay tilmaamayaan in dhibaatadaani ka dhalatay markii shaqaalaha garoonka ay shaqo joojin sameeyeen sababo lagu sheegay markii ay maqleen in Dowladu garoonka u dhiibeyso shirkad laga leeyahay Dalka India.

Shaqaalaha ayaa isku raacsan diidmadooda shirkad shisheeye in garoonka loo dhiibo xili Dowladuna ku adkeysaneyso in garoonku maalgelin u baahan yahay mudana uu xaalad adag ku soo shaqeeyay.

Xaalad cakirnaan ah ayaa ka jirta gudaha iyo banaanka garoonka haba ugu badnaadaan banaanka oo ay aad u dhooban yihiin shacan inay dhoofaan rabeen iyo ciidamo amniga sugaya.

Services at other airports in the country remained paralysed.

Dhanka kale Booliiska ayaa kala eryahay shaqaale ka tirsan kuwa garoonka oo banaan bax dhigayay lamana oga sida xaaladaani ku soo dhamaan doonto xili ajaanib badan ay u xaniban yihiin sidii ay dalka kenya uga dhoofi lahaayeen.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here