Muqdisho, Arbaco, 11 Sebtembar 2024:-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa la kulmay Danjiraha Dowladda Talyaaniga u fadhiya Soomaaliya Mudane Pier Mario Dacò Coppi, waxana ay ka wada hadleen xoojinta xiriirka iyo iskaashiga labada dal.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa uga mahadceliyey Dowladda Talyaaniga taageerada dhinacyada kala duwan leh ee ay siiyaan Dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed,gaar ahaan barnaamijka sanduuqa nabaddeynta iyo dowlad-dhiska Soomaaliya.
Advertisement