=XIGASHO BBC SOMALI=

Borrell

Advertisement

“Waxa ka dhacaya dhinaca kale ee gidaarkan ma aha qalalaase u abuurmay sida dabiici ah. Waa dhibaato bani-aadmigu sameeyay. Masiibo bani-aadmigu sameeyey”.

Waa hadallo uu jeediyey Madaxweyne Kuxigeenka Midowga Yurub ahna Madaxa Arrimaha Siyaasadda iyo Amniga ninka lagu magacaabo Josep Borrell xilli uu booqayey xaduuda Rafax ee dhanka Masar todobaadkan.

Borrell oo hoggaaminayey wafdi reer Yurub ah oo booqday daanta Rafax ee dhanka Masar ayaa sheegay in waxa ka dhacaya Qasa ay yihiin “ Masiibo”.

Wuxuu sheegay in inuu ka digayo in arrintan ay samayn ku yeelato ammaanka iyo degganaanshaha gobolka.

Isagoo ka hadlayey sida hadda uu yahay xaalka Qasa gaar ahaan dhanka koonfurta ayuu Borrel ku sheegay qoraal uu soo dhigay bartiisa X, ee horrey loo oran jiray Twitter.

“In si qasab ah dadka rayidka looga daadgureeyo Rafax, lana geeyo aag aan nabadoonayn, waa wax aan loo dulqaadan karin, Israa’iil waxay ku xiran tahay sharciga caalamiga ah si ay u ilaaliso ammaanka dadka rayidka ah,” ayuu qoray Borrell.

Wuxuu intaaa ku daray inay sii wadayaan inay ku boorriyaan Israa’iil in aysan horay u sii wadin howlgalka dhulka ah ee Rafax. T”ani waxay sii kordhin doontaa dhibaatada bini’aadanimo ee horeba u darnayd.”ayuu ku yiri qoraalkiisa.

Hadalkii uu Borrell ka sheegat Muqdisho

Borell iyo Xasan Sheekh

Madaxa xafiiska siyaasadda ee Midowga Yurub ayaa isagoo warbaahinta la hadlayey kuna sugan marinka dhanka Masar ee Rafax ayuu ku halqabsaday, tusaalena u soo qaatay caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho.

“Waa inaan iska ilaalinaa in Qasa aysan noqon Muqdishada Cusub, Muqdishada ku taalla Mediterranean-ka, ama Haiti-da cusub, dhul uusan sharci iyo kala dambayn ka jirin oo ay ka jiraan gaangis iyo qalalaase dadku quusteen.” ayuu yiri Borrel.

Wxuu intaa raaciyey in loo baahan yahay in la ilaaliyo nimaanka guud ee Qasa”Ma garanayo cidda, laakiin waxaan marka hore u malaynayaa inay tahay in mas’uuliyadda ay leeyihiin maamulka Falastiin, waxaa kale oo aan isleeyahay maamulka Falastiniyiintu waxay u baahan yihiin taageero badan, haddii la soo celinayo sharcigii iyo kala danbayntii Qasa” ayuu intaa raaciyey madaxa siyaasadda ee Midowga Yurub Joseph Borrrel.

Lix maalmood ka hor ayey madaxtooyadda Soomaaliya shaacisay in khadka teleefoonka ay ku wada hadleen madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

“Madaxweynaha JFS Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo khadka taleefoonka kula hadlay madaxa arrimaha Siyaasadda Midowga Yurub Mudane Josep Borrell ayaa adkeeyay muhiimadda ay leedahay ilaalinta midnimada, madax-bannaanida, iyo wadajirka dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.”ayaa lagu yiri qoraalka ka soo baxay madaxtooyadda Soomaalida

Madaxweynaha ayaa uga mahadceliyey Midowga Yurub taageerada joogtada ah ee amniga Soomaaliya iyo dadaallada wadajirka ah ee lagula ciribtirayo argagixisada, waxayna adkeeyaan ilaalinta xasilloonida iyo nabadgelyada gobolka.Borrell

Ninkan ayaa sidoo kale sanadkii 2022-kii booqasho kedis ah ku tagay magaalada Muqdisho isagoo kulamo la qaatay madaxda dowladda Soomaaliya oo ka mid ahaa Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud

Kulamadii uu la yeeshay madaxda Soomaalida ayuu Borrel kala hadlay xaaladaha siyaasadeed iyo mida amni ee Soomaaliya.

“Waxaan qiray dadaallada hoggaanka cusub ee horumarinta dowlad-dhisidda iyadoo lala kaashanayo dowladaha xubnaha ka ah federaalka iyo horumarinta dadaallada dib-u-habeynta dhaqaalaha,” ayuu yiri Josep Borrell xilligii uu booqday Muqdisho.

Borrell ayaa intaa ku daray in Midowga Yurub uu diyaar u yahay inuu sii wado taageerada dhinacyada badan leh, isagoo la qabsanaya horumarka.

Mas’uulkan reer Yurub ee booqashada ku yimid ayaa soo dhaweeyay dadaallada Soomaaliya ee dhanka amniga iyo difaaca, oo ay ku jiraan suurtagalnimada in la sii wanaajiyo wadashaqeynta ciidamada badda ee Midowga Yurub.

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here