Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya (HSJ) ayaa tababar aqoon kororsi ah oo socday muddo labo maalin ah ugu soo xirtay Saraakiil katirsan HSJ magaalada Muqdisho.

Tababarkan oo ku saabsanaa Baarista Guud ee dokumintiyada ayaa waxaa loo qabtay kormeereyaasha HSJ oo ka kala socda goobaha shaqo ee xarunta dhexe iyada oo lagu baray horumarinta xirfadda barista dokumentiyada kala duwan ee dadka loogu adeego.

Agaasime K/xigeenka guud Mudane Xuseen Abdullaahi Sheekh oo soo xiray tababarka ayaa ku dhiirageliyay saraakiisha ka faa’iidaystay aqoon kororsiga in ay sii labo jibbaaraan dardargelinta adeegga dadwaynaha.

Baarista dokumentiyada waxa ay ka mid tahay howlaha ugu muhimsan ee lagu xaqiijiyo saxnaanshaha dokumentiyada iyada oo la isticmaalayo xirfado iyo qalab casri ah oo kala saaraya kuwo saxda ah iyo kuwa aan saxda ahayn.May be an image of 4 people, beard, people studying, suit, newsroom and textMay be an image of 12 people, people studying and tableMay be an image of 3 people, people studying and newsroomMay be an image of 5 people, people studying and newsroomMay be an image of 3 people, people studying and newsroomMay be an image of 3 people, people studying and newsroomMay be an image of 4 people and textMay be an image of 4 people and textMay be an image of 4 people, dais and textMay be an image of 4 people, beard, people studying, suit, newsroom and text
Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here