Waxaa maanta Magaalada Muqdisho lagu qabtay shir looga hadlaayay maqaamka caasimada Soomaaliya ee Muqdisho kaasoo ay ka qeybgaleen siyaasiyiin  Dowlada ka tirsan.

Shirkaani waxaa loogu magac daray la tashiga qeybaha bulshada ee maqaamka caasimada Soomaliya ee Muqdisho.

Advertisement
Haddaba Aqoon yahan Yaxye Caamir ayaa dhaliilay habka shirkaani loo soo agaasimay wuxuuna u qornaa qoraalkiisa sidan:-
Yaa, yaa.

Shirkaanu waa muhim, Dad mudanna waa ka muuqdaan. Laakin, maxaa loo qariyay oo Garab iska taabad looga dhigay.

Ma go’ aan hore Dad gaara u dagsadeen ayaa Dadkaan marka ay kala tagaan dib laga soo saari rabaa si loogu xalaaleysto.

Indhaheenu waa furan yihiin, dhagar wakhtigeedii waa dhamaaday.

Haddii waxa meesha ka socdo ay Seminar iyo Sambuusi wadkii galay ay yihiin, horaan u soo aragnay. Haddiise Maqaam iyo mustaqbal ummadeed ay yihiin yaan lagu deg degin.

Runta in la isku sheego ayaa Haboon. Waa la yaqaan mowqifka Dadka deegaanka, wixii taa ka duwan, Xatta NATO kam fulin karto magaaladda.

Waxaan shirka u rajeeynaa Guul, in waddada Cadaaladda Alle tuso, Runtana in aynan ka baqin kana xishoon, si Dalka iyo Deegaanku Nabad iyo Huruumar u gaaran.

Qore: Yahya Amir
Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here