=XIGASHO BBC SOMALI=

Mareykanka

Advertisement

Fekrad shirqool ah oo isla xiriirineysa ninka laga yaabo inuu noqdo madaxweyne ku xigeenka Mareykanka, iyo calamada Soomaaliya iyo Minnesota ayaa aad la iskula wadaagay baraha bulshada Mareykanka.

Waxay fekraddan soo jeedineysaa in Tim Walz, barasaabka gobolka bartamaha galbeed ee Minnesota, uu dhowaan beddelay calanka gobolkiisa si uu ugu ekaado calanka Soomaaliya. Labadaba waxaa naqshaddooda ku yaalla xiddigo iyo noocyo kala duwan oo midabka buluugga ah.

Ma jirto wxa caddeyn ah oo sheegeysa in arrintu sidaa tahay fekrad shirqool ah ayaa lagu micneyn karaa aaminaad ay koox qarsoodi ah balse saameyn leh ay daaha gadaashiisa wax ka maamulayaan, qaar badan ay awood ka helaan inay gaaraan kumannaan markii si baahsan loogu wadaagay baraha bulshada.

Minnesota, oo ay ku nool yihiin qiyaastii 5,7 milyan, waxay hoy u tahay bulshada ugu badan Mareykanka ee asal ahaan Soomaaliya kasoo jeeda, qiyaastii 82,000 oo qof, badankoodna ay Muslimiin yihiin.

Waa kuwee dadka soo wadaagaya?

Mareykanka

Sida laga soo xigtay dhowr akoon oo gudaha Mareykanka ah oo leh aragtiyada siyaasadeed ee midig fog naqshadda cusub ayaa si ula kac ah loo doortay si ay uga gadanto qowmiyaddan ballaaran ee Soomaaliyeed ayna usoo bandhigto fekradda la sheegay inay xagjir tahay ee Walz iyo sida uusan waddani u ahayn.

Fekradda ayaa xoogeysatay horraantii August, markii Walz loo doortay musharraxa madaxweyne ku xigeenka isagoo ku socda kaarka xisbiga Dimuqraaddiga ee ay horkacayso Kamala Harris.

Shirkadda xogaha ururisa ee Mareykanka, PeakMetrics ayaa sheegtay in fekradahan shirqoolka ee isla xiriirinaya Tim Waltz iyo Soomaaliya si weyn loogu wadaagay X (ooh ore loo oran jiray Twitter) dhammaan xilliga xagaaga.

August waxaa jira 76,200 qoraallo X lasoo dhigay oo arrinta ku saabsan waxaana xitaa Fox News ku soo qaatay Jesse Watters.

Si kastaba, fekraddan ayaa waxaa qaadacay dhowr falanqeeyeyaasha baraha bulshada ah.

Naqshad cusub

Minnesota ayaa si rasmi ah u beddeshay calankeeda bishii May sanadkan, kadib markii ay bilaabeen olole internet-ka ah oo lagu keenayo naqshad cusub.

Naqshaddii hore ee calanka Minnesota, oo la sameeyay sanadkii 1957, ayaa waxaa ku xusan nin asal Ameerikaan ah oo faras dusheeda saaran oo qeybta dambe ka muuqda, iyo qof beer falaya oo qeybta hore ka muuqda. Dad badan oo reer Minnesota ah ayaa dhibaato u arkay, waxaana ka mid ahaan dadka matalaya kuwa asal Ameerikaanka ah.

Calanka cusub ayaa waxaa bidix ka muuqda xiddig siddeed-geesood ah oo ku dhex yaalla midabka buluugga mugdiga ah, iyadoo qeybta midigna ay midabkeedu tahay buluug khafiif ah.

Qeybta buluugga mugdiga ah waxay matashaa qaabka Minnesota, halka buluugga khafiifka ahna uu matalo ahmiyadda biyaha gobolka. Xidigga siddeed-geesoodka ahna wuxuu matalaa Xiddigga Waqooyi.

Taas caksigeeda, calanka Soomaaliya wuxuu leeyahay midab buluug khafiif ah oo ay ku taallo xiddig shan-geesood ah, oo mataleysa shanta gobol ee Soomaaliyeed.

Andrew Prekker, oo ah naqshadeeyaha sameeyay calanka cusub ee Minnesota, ayaa sheegaya in waxa ku kallifay ay ahayd inuu garwaaqsanaa in calankii hore ay dood ka taagneyd.

“Waxaan dhex galay website lagu magacaabo Minnesotans for a Better Flag taasi ayaana i siisay fekerka ah in calanka gobolkeenna uusan dhibtii ahayn mid wax ku ool ah, wuxuuna ahaa mid dhibaato badan abuuray marka la eego buunbuuninta gumeysiga ee ku wajahan bulshooyinkeenna asalka ah,” ayuu yiri.

Wuxuu sheegay in isu ekaanshaha yar ee u dhaxeeya labada calan – xiddigga, inkastoo qaabkoodu kala duwan yahay, iyo sdeegsiga buluugga – waxay ahaayeen xulashooyin ku saleysan waxa ay Minnesota ka kooban tahay. Wuxuu qirtay inuu wax yar ka ogaa Soomaaliya, oo ay ka mid tahay sida uu calankeedu u ekyahay.

“Kama warheyn Soomaaliya, taasoo xoogaa jaahilnimo ah. Wax feker ah kama heysan Soomaaliya,” ayuu yiri.

Prekker ayaa sheegay in Barasaab Tim Walz uusan ku lug lahayn korjoogteynta tartanka amaba xulashada mashruuca guuleysanaya – sheegashadaas oo uu taageeray Guddiga Dib u qaabeynta Astaamaha Gobolka Minnesota oo doortay naqshadda guuleysatay.Mareykanka

Sheeko xamaasad leh’

Inkastoo isu ekaanshaha u dhaxaysa calamada Soomaaliya iyo Minnesota ay noqon karaa kuwo xoogaa dabacsan, ma aha wax lala yaabo inay horseedday wada-sheekeysiga baahsan ee lagu wadaagay baraha bulshada, sida uu sheegayo bare sare Samuel Woolley, oo ah Madaxa Daraasaadka Warbixinnada Marin-habaabinta ee Jaamacadda Pittsburgh ee Mareykanka.

“Baraha bulshada waxaa loogu talogalay in lagu horumariyo waxyaabaha lasoo dhigo iyadoo lagu saleynayo xaddiga soo jiidasho ee ay heleyso, beddelkii la eegi lahaa sida loogu kalsoonaan karo,” ayuu yiri.

“Baaritaan ayaa muujinaya in waxa la isla dhex marayo ay baraha bulshada ku baahaan si ka degdeg badan runta. Tan waxaa qeyb ka ah sababtoo ah dadku waxay jecel yihiin sheeko fiican, oo xasaamad leh.”

Woolley ayaa sheegay in waxyaabaha degdegga u baahaya ee la iskula wadaagayo baraha bulshada ay sii huriyaan fekradaha shirqoolka maadaama ay yihiin “kuwo makrii horena lagu dhisay ahmiyad siinta in waxyaabahaas ay caan noqdaan”.

“Kooxaha isla socda ee akoonnada ay aadmigu maamulaan, akoonka casriga ah iyo caqliyadda macmalka ah iyo qaabab kale ayaa kooxaha siyaasadda u suurtogeliya inay ka gudbaan waxa hubinta iyo dheellitirka ka dhex jira hannaankan si loo sameeyo wax degdeg u baaha,” ayuu yiri.

John P. Whibney, oo wax ka dhiga Jaamacadda Northeastern University xubinna ka ah Internet Democracy Initiative, ayaa aaminsan in fekradda shirqoolka Walz iyo calanka Soomaaliya “ay caadi ahaan ka dhadhameyso isir-nacayb”.

“Waxaa jira dunida calamo badan oo leh waxyaabo isu ek, sida xiddigaha. Waxa ugu weyn fekerkan wuxuu u muuqdaa mid bulshada Soomaali Ameerikaanka ku xiraya nooc ka mid ah ajandaha horumar ee hoggaamiyeyaasha Minnesota, iyo in laga dhigo hoggaamiyeyaasha sida Barasaabka Minnesota Tim Walz inay sidaan ajande shisheeye iyagoo ka wakiil ah bulshooyinka (Muslimiinta) ah,” ayuu yiri.

Balse wuxuu sheegay, in xaqiiqda ah in qoraallada X loo riyaaqay aysan micnaheedu ahayn in dadku aaminsan yihiin sheekada ama farriinta.

“Dadku aalaaba waa u riyaaqaan waxa laoso dhigo ma aha sababta inay iska aaminsan yihiin, balse sababtoo ah waxay taageero u muujinayaan aragtida dunida ee guud – kiiskan, waa aragti dunida ah oo ka dhan ah Dimuqraaddiyiinta iyo dabcan Soomaalida,” ayuu yiri.

Sida uu qabo Andrew Prekker, ujeedka ugu weyn ee ka dambeeya calanka Minnesota, fekerka ah in naqshaddiisa ay xoogaa isla xiriirineyso Tim Waltz iyo Soomaaliya ay tahay mid waalli ah.

“Waxaan u maleynayaa in fekerka shirqoolka uu yahay mid lala yaabo,” ayuu yiri.

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here