HALGAN (DAYNIILE.COM)-Wararka laga helaayo Degmada Halgan ee Gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in maalmihii ugui dambeeyay ciidamada Dowlada Somalia ay howlgalo ka dhan ah Alshabaab ka wadeen deegaano hoos taga Degmadaasi.

Maamulka degmada Halgan ee gobolka Hiiraan ayaa faahfaahin ka bixiyay howlgalkaasi ay sameeyeen Ciidanka Xoogga Dalka iyo kuwa deegaanka kuwaasoo lidi ku ahaa kooxda Alshabaab.
Gudoomiye ku xigeenka Degmada Halgan Axmed Aadan Warsame ayaa sheegaya inay guulo wax ku oola gaareen ciidamada Dowlada iyo kuwa macawisleyda .

“waa laga saaray deegaanadii khawaarijtu sida dhuumaaleysiga ku soo geli jireen iyagoo raba inay baneystaan dhiiga shacabka ,deegaanada laga saaray waxay dhacaan galbeedka iyo waqooyiga Halgan”ayuu yiri Axmed Aadan Warsame.
No description available.
Axmed Aadan Warsame mar uu ka hadlayay amaanka Degmada Halgan ayuu sheegay inuu aad u hagaagsan yahay tan iyo markii sanado ka hor laga saaray Alshabaab islamarkaama degmadu u dhameystiran yihiin imkaaniyaadkeeda.
XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM
Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here