MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Waxaa Magaalada Muqdisho laga daah’furey Tababar ku saabsan hanaanka fududeynta ganacsiga ee Furdooyinka kaasoo ay ka soo qeybgaleen masuuliyiin Dowlada ka socday.
Tababarkan waxaa furey Agaasimaha Waaxda Furdooyinka Wasaaradda Maaliyadda Abukar Sheekh Axmed Mursal.
Saraakiil ka kala socda Waaxda Furdooyinka Wasaaradda Maaliyadda ayaa loo furey tababarka islamarkaana qorshuhu yahay inay ka faa’ideystaan.
Tababarkaan oo socon doona mudo asbuuc ah waxaa bixinaya Macalimiin ka socota machadka Caalamiga ee ESAMI,waxaana la filayaa inuu wax badan u tari doono masuuliyiinta iyo shaqaalaha dekada.
XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM
DAYNIILE.COM
Advertisement