=XIGASHO BBC SOMALI=

Itoobiya

Advertisement

Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed ayaa sheegay in Itoobiya aysan gorgortan ka geli doonin madax banaanideeda.

“Itoobiya weligeed cidna kuma soo duulin taariikhda, ka yeeli mayno qof ku xad-gudbo madaxbannaanidayada,” ayuu yiri Abiy Axmed.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa hadalkan ka sheegay barnaamij lagu xusayay maalinta dalkaasi.

Hadalka hoggaamiyaha Itoobiya ayaa ku soo beegmay xilli ay sii kordhayaan xiisadda ka taagan gobolka.

Si kastaba ha ahaatee, ra’iisul wasaare Abiy kuma uusan sheegin khudbadiisa arrimo ammaan la xiriira.

“Ma taabaneyno dadka, laakiin haddii ay na taabtaan, waxaan caan ku nahay inaan ka jawaabno,” ayuu yiri Abiy isagoo khudbad jeedinayey.

Ra’iisul Wasaaruha oo hadalkiisa sii wata ayaa yiri, “Annaga Itoobiyaanka ah ma lihin wax rabitaan ah oo aan ku doonayno in aan dadka kale alaabtooda qaadanno oo aan dalna la dagaalno,” isaga oo ku celceliyay sida ay Itoobiya uga go’an tahay xaqiijinta madax-bannaanideeda dhinac kasta ah. ENA

Ra’iisul Wasaaruhu wuxuu xusay in Itoobiya aysan weligeed wax colaad ah la gelin dalalka deriska la ah lixdii sano ee la soo dhaafay, isagoo ku micneeyay in nabadda iyo ammaanka dalalkan deriska ah ay si weyn uga qeyb qaadanayaan nabadda, amniga iyo horumarka ay Itoobiya leedahay.

Itoobiya iyo Soomaaliy a

Xiisada u dhaxeysa dalalka dariska ah ayaa cirka isku shareertay kadib markii dhawaan labo diyaaradood oo nooca C-130 ah oo laga leeyahay dalka Masar ay kasoo degeen magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya.

Xudunta khilaafka labada dal ee Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa ahayd markii Addis Ababa ay heshiis is-afgarad ah la saxiixaty bilowga sanadkan Jamhuuriyada Iskeed madaxbanaannida ugu dhawaaqday ee Somaliland kaas o ay si weyn ugu hortimid dowladda Soomaaliya.

Soomaaliya ayaa sheegtay in ay bixi doonaan ciidamada Itoobiya ee ku sugan gudaha Soomaaliya haddii aysan Itoobiya baabi’in heshiiska.

Labada dal ee Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa dalka Turkiga ku yeeshay wareegyo wadahadallo ah oo aysan ergooyinku is hor fariisan balse loo kale warqaadayey kuwaas oo markii danbe ku soo dhammaaday natiijo la’aan.

Wadahadalladas waxaa garwadeen ka ahaa dowladda Turkeyga oo labada dal ee deriskaba saaxiib la ah.

Arrintu waxay cirka isku shareertay kadib la sheegay in ciidamada Masar laga yaabo inay baddalaan kumannaan ka mid ah ciidamada Itoobiya.

Diyaarado dagaal ayaa ka degay magaalada Muqdisho kadib markii Soomaaliya iyo Masar ay kala saxiixdeen heshiis milateri.

Itoobiya iyo Somaliland ayaa walaac xooggan ka muujiyey tallaabadaas.

Itoobiya

Masar ayaa dhawaan qoraal u dirtay Qaramada Midoobay oo ay kaga dalbanayso inay tallaabo lagama maarmaan ah ka qaado biyo xidheenka webiga Niil.

Masar iyo Itoobiya ayuu ka dhaxeeyaa khilaaf xooggan oo ku saabsan qaybsiga qayraadka biyaha webiga Niil ka dib markii Addis Ababa ay sheegtay inay dhammaystirayso biyo xireenka ay ka dhisayso Niil.

Dhanka kale Raysal Wasaaraha Itoobiya ayaa ka hadlay ciidamada dalkaas.

Waxa uu sheegay in Itoobiya ay taariikhiyan ciidamadeeda geysay si ay nabadda u sugaan oo kaliya dalalka Afrikaanka ah ee ay sidoo kale u joogaan meelo ka baxsan qaaradda.

“Magaca Itoobiya waxa uu si toos ah ula xiriiraa karaamada, wanajinta iyo xoriyada waagii hore ilaa maanta” ayuu yiri Ra’iisal Wasaare Abiy Axmed.

Wuxuu kale Raysal Wasaare Abiy Axmed, khudbadiisa ku sheegay in “Itoobiya taariikh ahaan waxay caan ku tahay iska caabinta duulaanka.”

Itoobiya ayaa dhawaan ku eedeysay dowladda Soomaaliya “in ay gacan saar la leedahay hay’ado shisheeye si ay u carqaladeeyaan gobolka.

Balse dowladda Soomaaliya ayaa Itoobiya ku eedeysay inay si bareera ugu xad-gudubtay madaxbannaanida dhuleed iyo Qaranimada Soomaaliya.

Goobta Raysal Wasaaruhu ka khudbaynayey ayaa muuqaalka laga arkayey askar safaf taagan oo kor u dhahaya shumac ifiya iyadoo sidoo kale taliyaha guud ee ciidamada Itooboya uu khudbad jeediyey sida ay ku warrantay warbaahinta qaranka ee ETV.

Sadexda bishada 13-aad ee ee Pagume, oo ku beegan siddeeda bisha Sebtember ayaa Itoobiya looga dabaaldeggaa “Maalinta Qaranimada”, dalka oo dhan.

=XIGASHO BBC SOMALI=

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here