MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Waxaa Maanta si rasmi ah Magaalada Muqdisho uga furmaya tartankii kubada cagta ee Degmooyinka Gobolka Banaadir iyo Balcad kaasoo sanad kasta la qabto.

Tartankaan oo si weyn looga jecelyahay Magaalada Muqdisho ayaa waxaa ku xifaaltama degmooyinka Muqdisho waxaana tartankii ugu dambeeyay ku guuleystay Degmada Gubadleey oo xiligaas deegaan ahayd balse dhawaan Dikreeto madaxweyne loogu aqoonsaday Degmo buuxda oo caasimada ka tirsan.

Advertisement

Tartankaan oo kumanaan dad ay ka soo qeybgalaan waxaa galabta lagu furayaa degmooyinka Gubadleey iyo Heliwaa oo daris ah insha Allaah.

Si kastaba guud ahaan Degmooyinka ayaa isasoo diyariyay iyadoo isbadalo badana ay sameeyeen Degmooyinka qaar marka la eego ciyaartoyda iyo macalinka,waxayna degmo kasta hamineysaa inay koobka ku guuleysato.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

May be an image of text

May be an image of text

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here