Xildhibaan C/raxmaan C/shukur Warsame ayaa qoraal bartiisa Facebook soo dhigay wuxuu kaga hadlay farqiga u dhexeeya xiligii Dowladii kacaanka ee Soomaaliya iyo xiligaan sida ay Dowlada Shiinuuhu ula tacaamusho Somalia dhanka kaalmeynta iyo garab istaaga dadkeena iyo Dowladaba.

Qoraalka Xildhibaanka C/raxmaan C/shukuur ayaa sidan u qoran:-

Dalka Shiinaha lixdameeyadii oo uu Soomaaliya kula beratamayey Midowgii Soofiyeedka wuxuu dalkeena u soo magacowday Zhang Yueh oo ka mid ahaa khubarada dunida Carabta iyo Afrika.

Safaaradooda Muqdisho waxay ahayd xarunta ugu wayn ee Afrika, waxaana xiligaa ka shaqaynayey 230 qof oo isugu jira diblomaasiyiin iyo shaqaale. Inkasta uu dhaqaalaha Shiinuhu gaarsiisnayn sida uu maanta yahay, haddana Soomaaliya wuxuu siin jiray kaalmada horumarin ee Afrika ugu badan.

Maanta oo uu Shiinaha loollan kula jira Ameerika sidii uma muuqdo oo waa kaa labaatan iyo dhowr milyan ka hadlaya. Haddaba su’aashu waxay tahay, danayn la’aantu ma xaggeenaa mise waa xagooda?
Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here