No description available.

MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Guddoomiyaha Maxkamadda Gobolka Banaadir Saalax Dabaan ayaa ka hadlay farqiga u dhexeeya dhaqaalaha ay qabteen sanadihii ugu danbeeyay sida 2022-23 iyo kan hada lagu jiro ee 2224.

Advertisement

Gudoomiye Saalax Dabaan oo wareysi siiyay TV-ga Qaranka ayaa sheegay in sida caadiga Maxkamaduhu ay dhaqaale qabtaan sida gal furashada qofka dacwada qabta oo sida uu cadeeyay ah $200.

Gudoomiyaha wuxuu tilmaamay sanadahaasi uu soo sheegay midba kuu ka danbeeyo uu ka dhaqaale badnaa marka la eego qarasha ay qabteen,guud ahaan qarashkaan ayuu sheegay inay ku dhacdo qansada wasaarada maaliyada  Dowlada Soomaaliya.

Maxkamadda gobolka Labadii sanno ee lasoo dhaafay dhaqaalaha ay ku xareyso qasnadda mideysan ee dowladda shan jibaar ayuu kordhay, dadka danta yarna dowladda waxaa ay ugu talagashay galal Sabool in loogu adeego.”ayuu yiri Guddoomiyaha Maxkamadda gobolka Banaadir Mudane Saalax Dabaan.

Mar uu si gaar ah uga hadlaayay dadka saboolka ah tusaale ahaan qof gurigiisii laga heysto oo aan awoodin dhaqaalaha galka lagu furto ayuu sheegay inay Dowladu ugu sameysay Gal loogu magac daray galka saboolka oo kaliya waxaa laga buuxiyaa foom mana jirto wax laga qaado oo lacag ah madaama uusanba heysan ilaa xaqiisa uu ka helo.

“Sanadkii 2022-kii waxay Maxkamadu qabatay lacag dhan 43 kun doolar, sidoo kale 2023 waxay maxkamadu qabatay lacag dhan 150-kun doolar oo 5 jibaar ka badan tii hore halka sanadkaan aan ku jirno ee 2024 ay maxkamadu qabatay lacag aad uga badan tii 2023-kii,dhamaan qarashaadkaasi waxay ku dhacaan qasnada Wasaarada Maaliyada , saas ay tahayna maxakamaduhu ma helo wax ku filan oo shaqada ay ku sii wadaan”ayuu yiri Gudoomiyaha

Mudane Saalax Dabaan wuxuu tusaale u soo qaatay inaan hada wax bajad ah ama mushaar aan loo heyn 30 garoorayaal cusub ah kuwaasoo dhawaan lagu soo howlgeliyay Dikreetada Madaxweyne Xasan Sheekh.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here