MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Qaar ka mid ah Culimaa’udiinka  Soomaaliyeed oo maanta si isku mid ah Masaajida ugu baaqay Shacabka midnimo iyo in cadowga loo midoobo madaama Dowlada Gaalada ah ee Itoobiya ay dooneyso inay boobto hantida Soomaaliyeed gaar ahaan Badda.

Culumaa’udiinka qaar ayaa ka hadlay Masaajidka Madaxtooyada Villa Somalia halka kuwa kalana ay masaajida Muqdisho khudbadi maanta salaada ka dib baaq uga direen shacabka iyagoo faray inay dagaal jihaad ah u diyaar garoobaan si la isaga difaaco hadii Itoobiyaanku ku soo gar-daroodaan ciida Soomaaliya.

Advertisement

Sheekh Cali Wajiis oo ka hadlay Masaajidka Madaxtooyada salaadii maanta ee jimcaha kadib ayaa sheegay in  dalkeenu daris la yahay dal cadow ku ah islamarkaana uu xiligaan daandaasi wado.

“waxaa maalmahaan dalkeena daan-daansi ku haya Itoobiya oo cadow nagu ah sidaad ogtihiin,waxayna ku caga-jugleynayaan inay xoog ku qabsadaan bariga iyo badda Somalia”ayuu yiri Sheekh Cali Wajis

Wadaadkaan wuxuu xusay inay Itoobiya diiday wada-adaladii Dowlada Turkiga ay waday iyagoona inkiraya jiritanka Soomaaliya iyo Dowladnimadiisa,wuxu tilmaamay in talaabadaasi ay kibir ku gareen.

“waa waajib in midnimada umadeena muslimiinta ah iyo waliba difaacida  dalka,diinta iyo dadkaba lintaba,waa arin aan ku xirneyn meelaha la kala degan yahay iyo magacyada ay muslimiintu la baxaan”ayuu yiri Sh.Cali Wajiis.

Sheekh Aadan Mucalin oo isna maanta ka hadlay arinta Itoobiya salaadii jimcaha kadib ayaa markiisa carabka ku dhuftay inay diiniyan waajib tahay in Culumadu Dowlada ku taageerto iska caabinta Caddowga Itoobiya,sidoo kale wuxuu sheegay inay waajib tahay in laga difaaco dalka,dadka iyo diinta.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here