Muqdisho, Jimco, 6-da September 2024

1- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo ka qeybgelayaa Shir Madaxeedka Shiinaha iyo Afrika oo ka dhacaya magaalada Beijing ee Jamhuuriyadda Dadka ee Shiinaha.

Advertisement

2- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo kulan gaar ah kula yeeshay magaalada Beijing, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Dadka ee Shiinaha Mudane Xi Jingping.

3- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo khudbad ka jeediyay Shir madaxeedkka Shiinaha iyo Afrika ee ka dhacay magaalada Beijing, isagoo sharaxay muhiimadda iskaashiga labada dal iyo horumarka ay Soomaaliya ku tallaabsaneyso.

4- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo shir guddoomiyay shir arrimaha iskaashiga Dhaqaalaha Buluugga ee Soomaaliya iyo Shiinaha ah oo ka dhacaya magaalada Beijing.

5- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo magaalada Beijing kulamo kula yeeshay Madaxweyneyaasha Libya, Eritrea iyo Kenya, iyagoo ka wadahadley xoojinta xiriirka labada dhinac.

6- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo Khadka telefonka kula hadley Madaxweyne Ku-Xigeenka Midowga Yurub, Josep Borrell oo ay ka wadahadleen iskaashiga iyo wadashaqeynta labada dhinac.

7- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Muqdisho kulan kula yeeshay Taliyeyaasha Ciidamada Qalabka Sida, iyadoo kulankaasi looga wadahadley dardar gelinta hawlgalada dalka looga xorreynayo Khawaarijta Al Shabaab.

8- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo xilka ka qaadey Xildhibaan Cabdirishiid Maxamed Nuur Jilley oo ahaa Ergeyga Gaarka ah ee Madaxweynaha ee Arrimaha Caafimaadka iyo Nafaqada.

9- Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa magaalada Qaahira kulan kula yeeshay dhiggiisa Masar, Mudane Mustafa Madbouly, waxaana kulankan looga wadahadley xoojinta xiriirka iyo iskaahiga labada dal.

10- Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre oo daah furay Qorshaha Qaran ee Wadiiqooyink Xalka Waara ee Barakaceyaasha.

11- Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre oo hoygiisa kulan kula yeeshay Madaxweyne Ku-Xigeennada maamulada Jubbaland iyo Galmudug.

12- Shirka Golaha Wasiirrada oo laga soo saarey baaq ku aaddan in loo midoobo difaaca dalka, isla markaana lagu caddeeyay in Soomaaliya ay u taagan tahay ilaalinta nabadda iyo xasiloonidda gobolka.

13- Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa qaabilay Danjiraha Qatar u fadhiya Soomaaliya Dr. Abdullahi Bin Salem Al Nuaimi, iyagoo ka wadahadley xoojinta xiriirka labada dal.

14- Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka Soomaaliya Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa magaalada Muqdisho ka daahfuray Shirka Madasha Bani’aadannimada Soomaaliya oo ay soo qaban-qaabisay Hay’adda Maareynta Musiibooyinka (SoDMA), kaas oo looga hadlayo xaaladaha la xariira arrimaha bani’aadannimo ee dalka.

15- Guddoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madoobe iyo Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka Soomaaliya Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa ka qeyb galay xuska 102-aad ee Maalinta Jamhuuriyadda Turkiga, oo lagu qabtay xarunta safaaradda Turkiga ee magaalada Muqdisho.

16- Golaha Wasiirrada oo meel mariyay heshiis is-afgarad ee dhinaca dalxiiska oo ay gelayaan Soomaaliya iyo Kenya.

17- Wasiirka Amniga Gudaha ee Soomaaliya Mudane Cabdillaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag) ayaa tababbar ugu soo xiray qaar ka mid ah Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed xarunta Akadeemiyada Jeneraal Kaahiye ee magaalada Muqdisho.

18- Wasaaradda Deegaanka iyo Isbedelka Cimilada ayaa soo saartay war saxaafadeed ku saabsan jarista dhirta, iyadoo raacisay digniino culus oo ku aadan ku xadgudubka Sharciga Ilaalinta iyo Maareynta Deegaanka.

19- Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Mudane Daa’uud Aweys, ayaa tababbar lagu baranayo habka sameynta iyo soo saarista Filmada iyo Barnaamijyada Documentariga u soo xiray ilaa 30 xubnood oo ka kala socday warbaahinta qaranka, shirkadaha filimada sameeya iyo warbaahinta kale ee dalka ka jirta.

20- Wasiirka Qoyska iyo Horumatinta Xuquuqul Insaanka Mudane Bashiir Maxamed Jaamac, ayaa qaabilay wakiilo ka kala socday hey’addaha UNICEF iyo UNSOM, waxaana kulankaasi looga hadley xoojinta sharciyada difaaca xuquuqda carruurta.

21- Wasiirka Maaliyadda Mudane Biixi Imaan Cige ayaa khudbad ka jeediyay Madasha Ganacsiga iyo Xirfadlayaasha Soomaaliyeed ee ku dhaqan Mareykanka.

22- Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha Mudane Jabriil Cabdirashiid iyo Wasiirka Arrimaha Dibadda Mudane Axmed Moalim Fiqi, ayaa si wadajir ah uga qeybgalay shirkii 9-aad heerka Wasiir ee madasha Iskaashiga China iyo Afrika oo ka dhacay magaalada Beijing.

23- Ciidamada Xoogga Dalka oo kaashanaya shacabka Gobolka Hiiraan ayaa hawlgallo ka dhan ah Khawaarijta ka sameeyay degaanno hoostaga degmada Halgan,halkaa oo ay ku burburiyeen fariisimo ay cadowga ku lahaayeen.

==============DHAMMAAD==============

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here