MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Inta badan Xildhibaanada Soomaaliyeed gaar ahaan kuwa Beesha Hawiye ayaa maanta kulan ay la qaateen Gudoomiyaha Baarlamaanka Aadan Madoobe waxay isla soo qaadeen khilaaf maalmihii ugu dambeeyay ka dhex jirey baaramaanka iyo qaar beelaha ka mid ah.

Xildhibaanmo ka tirsan Beesha Hawiye oo shirka kadib saxaafada la hadlay ayaa raali buuxda siiyay xildhibaanada ka soo jeeda Beelaha Digil iyo Mirifle kuwaasoo dhawaan ay u gafeen odayaal ka tirsan Beesha Hawiye kuwasoo ku tilmaamay inay Itoobiyaanka la safteen ama adeegayaal u yihiin.
“Umadda Soomaaliyeed Badeeda iyo Barrigeeda hadii lagusoo xad-gudbo waxaan midnimo ahayn laguma difaaci karo,Reer Koonfurgalbeed waa walaalaheen Ethiopian ma jecla ee raalli ahaada” ayuu yiri Xildhibaan Yuusuf Geelle iyo Senator Siciid Siyaad.
Xildhibaan u hadlay beelaha Digil iyo Mirifle ayaa iyaguna hadlay kuwaasoo si buuxda u aqbalay raali gelinta kaga timid dhanka Beesha Hawiye,waxaana la isla qaatay in wada-jir lagu wajaho difaaca Dalka.
 ‘’Xildhibaanada walaalaheena ah raali gelinta waanka guddoonnay,Waxaan Bulshada kula dardaaramayaa inaan laga shaqeynin kala fogeynta dadka Soomaaliyeed oo laga shaqeeyo dowladnimada iyo Difaaca Qaranka ”ayuu yiri Xildhibaan Dr Cabdirashiid Jilley

Talaabada ay qaadeen xildhibaanada maanta isu yimid ayaa noqonaya mid farxad gelinaya dhamaan shacaba Soomaaliyeed oo ka naxay khilaafka xili Itoobiyaanku weerar dadban ku hayaan soomaaliyeed, sida kaliya ee looga hor-tagi karana tahay midnimoiyo wada-jir Soomaaliyeed.

Advertisement
XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM
Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here