Muqdisho, Khamiis, 05 Sebtember 2024:-Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo maanta yeeshay kulankooda toddobaadlaha ah, ayaa looga hadlay ilaalinta madax-bannaanida, wadajirka ummadda Soomaaliyeed, amniga iyo la dagaallanka kooxaha Khawaarijta ah.
Shirka oo uu guddoominayey Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa loogu baaqay dadka Soomaaliyeed;
In ay si wadajir ah u difaacdaan madax-bannaanida, gobonnimada iyo midnimada ummadda Soomaaliyeed.
In laga fogaado wax kasta oo keeni kara kala qeybsanaan bulshada dhexdeeda ah.
In laga wada shaqeeyo hirgelinta xasillooni siyaasadeed, meelna looga soo wada-jeesto ciribtirka kooxaha Khawaarijta ah iyo wax walba oo khatar ku ah qarannimadeenna.
Golaha ayaa uga mahadceliyey Ciidanka qalabka sida iyo shacabka Soomaaliyeed kaalintooda ku aaddan difaaca dalka iyo la dagaallanka Khawaarijta.
Sidoo kale shirka Golaha Wasiirrada ayaa lagu meelmariyey Heshiis is-afgarad oo u dhexeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dowladda Kenya, kaas oo ku saabsan iskaashiga Dalxiiska.
May be an image of 10 people and daisNo photo description available.May be an image of 11 people, dais and textNo photo description available.No photo description available.May be an image of 2 people and daisMay be an image of 1 person and daisMay be an image of 1 person and daisMay be an image of 1 person and daisMay be an image of 3 people, dais and newsroomMay be an image of 2 people, dais and textMay be an image of 1 person, dais and newsroomMay be an image of 2 people, dais and newsroomNo photo description available.May be an image of 1 person, dais and textMay be an image of 1 person and daisMay be an image of 3 people, dais and newsroomMay be an image of 3 people and daisMay be an image of 1 person, newsroom, dais and textMay be an image of 3 people and daisMay be an image of 1 person and daisNo photo description available.May be an image of 1 person and daisMay be an image of 3 people and daisMay be an image of 1 person and daisMay be an image of 1 person and newsroom
Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here