Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed gaar ahaan guutada 26-aad ee Cali Ibnu Abii Daalib ayaa howlgal qorshaysan oo looga sifaynayo dhulka howdka ah Khawaarijta ka sameeyay deegaanno ku teedsan deegaanka Ceel Cali Axmed ee gobolka Shabeellada dhexe.

Deegaannada Sabansableey, Ceel afwayne, iyo Ceel Cali goodle oo dhamaantood ku teedsan deegaanka Ceel Cali Axmed ee gobolka Shabeellada dhexe ayeey geesiyaasheennu ka sameeyeen howlgalka sifaynta ah.

Advertisement
Howlka ayaa waxaa hoggaaminayay Amaanduulka guutada 26-aad G/le Ciise Buurshe iyo amaanduulka ururka 263-aad Labo Xidigle Cabdisalaam Abuukar Liiq Liiqato, iyagoo saraakiishani ay xaqiijiyeen in howlgalka guulaystey sidoo kale miinooyin looga baararay wadooyinka ay dadka shacabka ah isticmaalaan si looga foojignaado dhagarta argagexisada ee markasta la beegsadaan dadka shacabka ah.
May be an image of 5 peopleMay be an image of 7 peopleMay be an image of 5 peopleMay be an image of 5 peopleMay be an image of 5 people
Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here