HALGAN (DAYNIILE.COM)- Wararka laga helaayo  Magaalada Halgan ee Gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in Ciidamada Macawisleyda Beesha Xawaadle ay deegaano hoos taga magaaladaani ka saareen Kooxda Alshabaab.

Macawisleyda Xawaadle ayaa la sheegay inay saaka howlgal ay sameeyeen ay Alshabaab kaga saareen ilaa 6 deegaan oo hoos-taga Degmada Halgan ee Gobolka Hiiraan.

Advertisement

Muuqaal lagu shaaciyay warbaahinta Dowlada ayaa muujinaya Macawisleyda oo warbaahinta kula hadleysa dhufeysyadii Alshabaab ay deegaanadaasi ku lahaayeen.

Sarkaal u hadlay mcawisleyda ayaa sheegay in Alshabaab ay isaga carareen oo ay banaayeen inteysan iyagu gaarinba.

“waad aragtaan dhufeysyadoodii anaga ku sugan , ma nqaan inay xalay sii baxeen iyo inay markey ogaadeen dhaq dhaqaaqyadeena ay carareen”ayuu yiri sarkaalkaasi.

Sarkaal kale oo isna ciidamada watay ayaa ugu baaqay macawisleyda deegaanada Hiiraan dhamaantood inay dhaqaaaq sameeyaan oo gaaran dhufeysyada alshabaab.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

No description available.No description available.No description available.No description available.No description available.No description available.No description available.No description available.No description available.

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here